Xisbiga Waddani oo BIIXI u qabtay 24 saacd kadib fal lagula kacay Cirro + Video

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa waxaa uu maanta shaaciyey in xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ay shalay badhtamaha Hargeysa ay wiish kaga qaadatey gaadhigii gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro, isla markaana ay geysatay xerada ciidanka Birmadka .
Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Barkhad Jaamac Xirsi Batuun ayaa waxa uu sheegay in xukuumada Biixi looga baahanyahay inay soo bandhigto Sababta ka dambeysay in gaadhigii Gudoomiye Ciro ay qaatan ciidanka Boolisku.
Afhayeenka ayaa sidoo kale cadeeyey in ciidamadii ilaalinayey Gudoomiye Ciro dib loogu yeedhay xeryahihii ciidan ee ay ka tirsanaayen.
“Soddan sano oo ay jirtay Somaliland, ficilada hadda soo baxaya ee ay ku kaceyso xukuumada talada haysa, waa kuwo baal-marsan ilaalinta nidaamka amniga, ilaalinta iyo xaq-dhowrka sharafta xisbiyada qaranka, iyo wada jirka umadda” ayuu yiri Afhayeen Barkhad.
Waxa uu intaa kusii daray “Waxaad ka war qabteen in maalinkii shalay ahaa,  gaadhigii gudoomiyaha xisbiga suuqa bartankiisa wiish lagaga dhex qaaday, ciidanka ilaalada gaarka u ah Gudoomiyaha xisbigana qaar kamida xeryahoodi dib looga yeedhay. Sababta waxasi ku dhaceen, markaan isku deynay inan xog rasmi ah ka helno, waxay u muuqataa xukuumadii mas’uulka ka aheyd amniga dalku inay ka badheedhayso dariiqa jeexista fowda dalka ka dhacda.”
Dhinaca kale, Xisbiga Waddani ayaa waxaa uu xukuumada Biixi ugu hanjabey isla markaana u qabtey in gaadhiga gudoomiye Ciro kusoo celiso muddo 24-sacadood ah.
Ugu dambeyntiina, Afhayeenku waxa uu fariin u direy Taageerayaasha xisbiga Waddani, isagoo ugu baaqay inay ilaashadaan amaanka Gudoomiyahooga.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa