Mareykanka oo go’aan aan dunida horey uga dhicin ka qaadanaya ciidamada Iran

Washington (Caasimadda Online) – Iyadoo lasii  adkeynayo cadaadiska lagu hayo Dowladda Iiraan ayaa waxay dowladda Mareykanka qorsheeneysaa inay Liiska Argagixisada ku darto Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran taasoo qeyb ka ah Istaraatiijiyada uu Trump ku doonayo inuu ku yareeyo Awoodda ay Iraan ku leedahay Gobolka iyo Caalamka.

Waxay noqon doontaa markii ugu horreysay taariikhda dunida oo dal uu aragagixiso ku magacaabo ciidamada dal kale.

Seddex Mas’uul oo ka tirsan Dowladda Mareykanka ayaa sheegay inuu Mareykanka qorsheenayo in lagu dhawaaqo in Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran lagu tilmaamo inay yihiin Argagixiso laguna daray Liiskaas, wuxuuna go’aankaan noqon doonaa midkii ugu horeeyey oo ay Washington ciidamo wadan kale leeyahay ugu aqoonsato inay yihiin Argagixiso.

Mas’uuliyiintaan ayaa xusay in go’aankaan ay Wasaaradda Arrimaha Debadda Mareykanka soo saari doonto Maalinta Isniinta ah, wuxuuna durba go’aankaas la qaadan doono la kulmay eedeyn ka imaaneyso xubno ka tirsan Dowladda Mareykanka oo sheegay inuu go’aankaan horseedi doono in Dowladaha aan Mareykanka saaxiibada la aheyn ay iyagana Ciidamada  hubeysan iyo kuwa Sirdoonka Mareykanka ku daraan Liiska Argagixisada.

Dowladda Iiraan ayaa durba jawaab kulul ka bixisay go’aankaas sida hordhaca ah loo sii ogaaday oo uu Mareykanka doonayey, waxayna ku hanjabtay inay iyadana Ciidamada Mareykanka ku dari doonto Liiska Kooxaha Argagixisada.

Heshmatollah Falahatpisheh oo ah madaxa Guddiga Nabadgelyada Qaranka ee Baarlamaanka Iiraan ayaa Bartiisa Twitter-ka kusoo qoray “ Haddii Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran lagu daro Liiska Mareykanka ee Argagixisada, waxaana anagana Ciidamada Mareykanka ku dari doonaa Liiska Argagixisada iyo Daacish labadaba”

Dowladda Mareykanka ayaa horey Liiska Argagixisada ugu dartay Shirkado iyo Shakhsiyaad ka tirsan Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran balse Markaan go’aanka wuxuu noqon doonaa mid guud ahaan ciidamadaas loogu aqoonsan doono Argagixiso.

Go’aanka uu Mareykanka soo saari doono ayaa kuso aadayo hal sano kadib markii uu Trump qaatay go’aankii ahaa inuu Mareykanka ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee Dalka Iiraan.

Caasimada Online
XafiiskaMinneapolis
caasimada@live.com