Xisbiyo, siyaasiyiin xilal soo qabtay iyo madaxda maamul goboleedyada oo kulan xasaasi ah yeelanaya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online waxaa Maalinta Berri ah lagu wadaa inuu Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ka dhaco kulan xasaasi ah oo u dhaxeeyo Siyaasiyiin horey xilal usoo qabtay iyo qaar ka tirsan Xisbiyada ka jiro dalka.

Kulanka oo ah mid looga hadli doono Xaaladihii ugu dambeeyey Siyaasadda Dalka iyo Fashilka Amni ee heysto Dowladda Soomaaliya.

Kulankaas oo ah mid si weyn loo soo agaasimay, ayaa sidoo kale waxaa la filayaa inay kulankaas kadib la kulmaan Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka oo ku sugan Magaalada Nairobi halkaas oo ay Maanta kula meyn xubno ka socday Beesha Caalamka.

Labadaan kulan ee kala duwan ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo ku saabsan Xaaladda Dalka uu ku jiro.

Kulamadaan Berri ayaa kusoo aadayo xilli Maamul Goboleedyada ay Maanta kulan la qaateen Xubno ka socday Beesha Caalamka, waxayna illo wareedyo muhiim ah oo ku sugan Nairobi xaqiijinayaan in Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay kala hadleen Wakiilada Beesha Caalamka labo qodob oo kala ah.

In macaamil gaar ah lala yeesho maamul goboleedyada, halkii taageerada loo soo marsiin lahaa dowladda Federaalka iyo in la sameeyo Road Map doorasho, maadaama ay sheegeen in aysan Xukuumadda weli diyaarin nooca doorashada.

Waxaa kaloo Madaxda Maamul Goboleedyada ee ku sugan Nairobi u caddeeyeen Wakiilada Beesha Caalamka in aysan helin casuumaad kulankii la iclaamiyay ee dhici lahaa 19 April Shirka Amniga Qaranka, waxaana ay tilmaameen in ujeedadu aheyd in Ra’iisul Wasaaraha la shir tago Mareykanka in xiriirka maamulada iyo dowladda dhexe uu wanaagsan yahay.

Dowladda Federaalka ayaa laga sugayaa in ugu dambeyn bisha June soo bandhigto hannaanka doorashada Soomaaliya, iyadoo la sheegayo in dowladdu ay qorsheyneyso muddo kororsi.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com