Xog: KHEYRE oo ku jeeda Addis, afar qodobna kala hadlaya ABIY AHMED

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow aan ka helnay Xafiiska Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya in Kheyre uu safar ugu bixi doono magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in Kheyre uu casuumad ka helay dhigiisa Ethiopia Abiy Axmed oo waayadan Siyaasad ahaan ay aad isugu dhow yihiin xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed iyo Xasan Kheyre ayaa kawada hadli doona qodobo gudaha bishan la isugu afgartay magaalada Muqdisho, maadaama uu Heshiisku yahay mid dulmar u baahan. Abiy Axmed iyo Kheyre ayaa la sheegay inay isla eegi doonaan qodobada kala ah:-

1 – Dib u sharaxaad qodobada ay labada dhinac ka wada hadleen
2 – Ka wada hadalka hanaanta qodobaad loogu beddeli karo heshiis la dhaqan-geliyo
3 – Sameynta guddiyo labada dhan ka kala socda oo ka wada shaqeyn doona taabagalinta qodobada.
4 – Mudo u qabashada billaabida howlaha maalgashi ee dowlada Ethiopia.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la sheegay in sidoo kale uu gaari doono magaalada Doxa ee xarunta dalka Qadar, kadib tashwiish ka dhashay Heshiiska DFS iyo Ethiopia.

Sidoo kale, waxaan la ogeyn labada dal midka uu ku hormari doono Ra’isul wasaare Kheyre, waxaana lasoo sheegayaa in booqashooyinka Kheyre ee labada dal ay ka duwan yihiin kuwii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com