Aragti fog: Somalia mala khiyaami karaa mise waa laga awood badin karaa?

Is fahamka dhexmaray Somaaliya iyo Ethiopia 16 kii Bishaan. Qoraal hore ayaan aragtidayda uga dhiibtay lkn laba su’aal oo kasoo laabatay qoraalkaas ayaan rabaa in aan la wadaago asxaabta wadaniyiinta ah.

HASE IGA RAALI NOQDEEN QOLYAHA:

A)-La qaraaban-jiray maamulkii hore ee Tegree-ga oo ka cabsanaya Ethiopia-yada cusub iyo xiriirka dawladda Somaaliya.

B)-Qolyaha ku xumaynaya Madaxweyne Farmaajo ee aan u arkin qadiyad Qaran ama umadeed.

C)-Qolyaha dhaqanka ka dhigtay in ay faafiyaan ama u tarjumaan ajnabiga dhaliilaha dalkooda iyo dawladooda, halkii ay ka kabi lahaayeen ama ay rumayn lahaayeen the great Somaaliya!.

NUXURKA SU’AALAHA WADANIYIINTA EE SOO LAAB-LAABTAY WAXA AY KU ARUURSANYIHIIN LABADAAN QODOB:

“Way habboontahay in Somaaliya iyo Ethiopia uu dhexmaro xiriir ama heshiis Diplomaasi, Amni iyo Dhaqaale lkn waxaan ka baqaynaa in nala KHIYAAMO ama nalaga AWOOD-BADIYO” ??.

LABADUBA SUURTA GAL MA AHA WAQTIGA XAADIRKA AH SABABAHAAN AWGOOD:

A)-Nalama Khiyaami karo sabadtoo ah:

1-Waa soo jeednaa, xilliyadii horena waa ka aqoon iyo waaya aragnimo badanahay.

2-Qarnigii hore Adduunku wuxuu ahaa hal Tuulo lkn Qarnigaan Adduunku waa hal Qol oo aysan waxba kala qarsanayn.

3-Waa dhamaaday xilligii Siyaasi ama Madax uu wax qarin-jiray ama wax xadi-jiray ama dadka been lagu seexin-jiray.

4-Waxaa dawlada Somaaliya xubin ka tahay kana diiwaan-gashantahay ururo caalami ah, kuwo gobal iyo kuwa deegaan.

5-Waxaan leenahay xuduudo Berri, Badd iyo Hawo cayiman oo lawada yaqaan.

B)-In nalaga awood badiyo ama nala xoogo suurta gal ma aha haddii uusan barkayn ku daabnayn sababtoo ah:

1-Awoodaha dawladaha adduunka kuma xirna Xoog iyo Tira Ciidan ee waxa ay ku xirantahay; Aqoon, Awood-dhaqaale iyo Maamul-hufan tusaale; Dawladaha Asia ee Japan, Taiwan, Singapore iyo Malaysia waa laga Ciidan iyo Hub badanyahay lkn Aqoon, Dhaqaale iyo Maamul-wanaag ayey deriskooda ku dhaafeen. Dawladaha Scandinavian-ka ee nolosha dadka ku horumaray ee Somaalidu ugu jeceshahay in ay ku noolaato ma laha Ciidan xoog leh, lkn waxa ay abuurteen Dhaqaale xoog leh iyo Maamul hufan.

2-Haddii Xoog iyo Tiro dhul iyo dad lagu qaadan-karo Iiran ayaa Emarate qaadan laheed ama India ayaa Pakistan qaadan laheed.

3-Haddi Tiro la isku qabsan-karo Ehhiopia ayaa Eratrea qabsan laheed ama Oromo ayaa Amxaaro iyo Tegree mar hore qabsan laheed oo hadda ay u suurta gashay in ay xeelad iyo culays siyaasadeed ku bedelaan, lamana oga inta ay sii haysan karaan haddii aysan Caqli iyo Farsamo la imaanin.

4-Ciidamada Ajnabiga ah ee Dalkeena iyo Baddeena ku sugan Qaraar kasoo baxay dawladihii ku meel-gaarka ahaa iyo UN ka ayey dalka kusoo galeen, haddana go’aanka dawladda ayey ku baxayaan ee dalka ma qabsan karaan, sidii hadaba Hawada Somaaliya looga wareejiyay markii loo diyaar garoobay.

Waxaan rajeynayaa in cabsida iyo welwelka la yareeyo, lana dhiiri-geliyo Dhalinyarada, kalsoonina lagu abuuro in ay khayraadka dalkooda hanan-karaan, kana ilaashan-karaan kuwa raba dhaxal-wareejinta, una baahanyihiin kaliya Aqoon, Karti, Kalsooni iyo Maamul hufan.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid