Xog: Abiy Ahmed oo si weyn uga carooday magacaabista ra’iisul wasaare XAMZA

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ka carooday in Xamza Cabdi Barre loo magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaa sidaas qoray wargeyska Africa Intelligence. 

Xamza, oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, gaar ahaan jufada Maxamed Zubeyr/Reer Cabdille, ayaa aad ugu dhow madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo isla jufadaas kasoo heeda, sida lagu yiri warbixinta wargeyska.

“Sanado badan, Jubaland waxay noqotay goob ay gabaad ka helaan mucaaradka Soomaalida Ethiopia ee beel ahaan xiga Xamza iyo Axmed Madoobe.”

Xubnahaas ayaa waxaa ka mid ah taageerayaasha madaxweynihii hore ee gobolka Soomaalida Cabdi Iley oo kasoo jeeda isla Maxamed Zubeyr. Cabdi Iley ayaa xulufo la ahaa kooxda TPLF ee dagaal kula jirtay xukuumadda Abiy tan iyo bishii November 2020.

Cabdi Iley ayaa la xiray bilo un kadib markii uu xukunka yimid Abiy Ahmed 2018-kii, waxaana kadib qaar ka mid ah xubnihii aadka ugu dhowaa ay u carareen Soomaaliya, ayey tiri warbixinta Africa Intellegence.

Magacaabista Xamza, oo noqday qofkii ugu horreeyey ee Ogaadeen ah ee xilkaas ka qabta Soomaaliya, ayaa farxad gelisay mas’uuliyiinta ururka ONLF, ayada oo madaxdooda ay sidoo kale Muqdisho u yimaadeen ka qeyb-galka caleemo-saarkii Xasan Sheekh, ka hor inta aan la magacaabin Xamza.

Hase yeeshee waxaa farxaddaas la wadaagin madaxweynaha gobolka Soomaalida ee hadda Mustafe Cagjar oo aad ugu dhow Abiy Ahmed, islamarkaana ay xiisad kala dhaxeyso hoggaanka ONLF. 

Warbixinta Africa Intelligence waxay sheegtay, in ayada oo ay atsaan u tahay carada Abiy, uu Mustafe mamnuucay xaflad lagu dhigi lahaa Jigjiga 20-kii June oo loogu dabaal-degi lahaa magacaabista ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Abiy Ahmed ayaa saaxib dhow la ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayada oo aanay isku fiicney madaxweyne Xasan Sheekh, oo marar badan cambaareeyey siyaasaddiisa xilligii uu mucaaradka ahaa.

Ma cadda sida magacaabista Xamza iyo xurguftii hore ay u saameyn doonto xiriirka labada dal, balse dowladda Xasan Sheekh waxay horey u ballan-qaaday inay si wanaagsan ula macaamili doonto dhammaan dalalka caalamka.