Xog: Agaasimaha cusub ee loo magacaabayo NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ku-meel gaarka ah ee hay’adda NISA Yaasiin Farey ayaa la filayaa inuu xilka ka dego marka uu maro dhaarta xildhibaan, waxaana xog aan helnay ay sheegeysaa in lagu beddeli doono sarkaal ka tirsan NISA oo beel ahaan kasoo jeeda beesha Absame

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in magacaabista Taliyaha NISA todobaadkii hore dib loo dhigay iyo in Yaasiin Farey uu xilka wareejiyo sababo la xiriira cabsi laga qabay diidmo iyo khilaaf hor leh inuu ka dhex abuuro Villa Somalia iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Sida aan xogta ku helnay, Rooble ayaa lagu tijaabiyay xil wareejinta taliyaha ciidamada Asluubta Taliye Shub oo awood qeybsi ahaan kasoo jeeda Digil iyo Mirifle, taasi oo wax fal celin ahna uusan ka sameyn Rooble.

Taliyaha cusub ee Asluubta Jen. Cabdikariin Cali Afrax oo aan ku beel aheyn Taliyihii hore ayaa wado cusub u furay xilalka awood qeybsiga ku dhisan, waxaana la filayaa in taliyaha cusub ee NISA loo magacaabi doono Taliyaha hoggaanka IT Eng. Cabaas oo kasoo jeeda beesha Weyteen Absame.

Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa ahmiyad gaar ah siinaya qofka noqon doona taliyaha NISA inuu yahay qof ay hubaan oo la shaqeyn kara.

Hay’adda NISA ayaa ku eedeysan falal tacadiyo ah oo ugu horeyso kiiska Ikraan Tahliil oo ka mid aheyd shaqaalihii ku dhowaa Fahad Yaasiin, waana sababta dhalisay khilaafka ay ku kala guureen ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweynaha xafiiska sii jooga ee Farmaajo.

Ma cadda xilka ay heli doonta beesha shanaad, oo awood qeybsiga beelaha ay tahay inay hesho mid ka mid ah shanta taliye ee ciidamada, ayada oo markii hore u uku fadhiyey Fahad, balse sidii xilka looga qaaday uu hayey Yaasiin Farey oo kasoo jeeda Abglaa/Hawiye.