26.6 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Xog: Agaasime ku xigeenka madaxtooyada oo u hanjabay gabar musharax ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Fawsiya Xasan Abuukar oo ah Aqoonyahand ka soo qalin jebisay Jamaacad ku taalla dalka Britain (UK) ayaa sheegtay inuu u hanjabay Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda Somalia, Saadaq Macallim C/kariim.

Musharax  Fawsiya oo u taagan Kursiga Jufada Cali Gaaf ee Beesha Wacaysle ku leeyihiin xubnaha Maamulka Galmudug ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda ayaa tilmaamtay inuu Saadaq Macallim C/kariim oo ay isku jufo yihiin ugu hanjabay in iyada la dili doono, haddii ay isku soo sharaxdo Kursigaas.

Musharax Fawsiya Xasan Abuukar oo La-taliye dhinaca Jinsiga (Gender Advisor) ka ah Xafiiska QM ee Somalia (UNSOM) waxay kaloo sheegtay inay Hanjabaad culus kala kulantay Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda Somalia, Saadaq Macallim C/kariim iyo rag kale oo aysan magacyadooda garanaynin, balse iyada u sheegay  inuu soo diray Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda Somalia.

Musharax Fawsiya Xasan Abuukar oo maanta soo bandhigtay Qoraal Furan (Open letter) waxay ku wargelisay Dowladdaha  Britain iyo Somalia, Beesha Calaamka iyo Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia inay nolosheeda khatar ku jirto, isla markaana lagu hayo caga-jugleyn laga argagaxo.

“Waxaan ka xumahay iyadoo lagu jiro Qarnigii 21-aad inay jiraan dad weli geysanayo Hanjabaad, Caburin iyo Cabsi-gelin” ayey tiri Musharax Fardowsa oo la amakaagsan handadaada iyada sida gaarka loogu hayo.

Waxay intaasi ku dartay in Kursiga Musharaxnimadda ee loo diidan yahay inay u tartanto uu yahay kursiga  Qoontadda Haweenka ee (30%) ay ku leeyihiin Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.

Musharax Fawsiya waxay kaloo sheegtay inay booqasho hawleed ku tegtay magaalladda Cadaado, isla markaana ay la kulantay Guddiga Doorashadda Dadban ee Dowlad-gobaleedka Galmudug, oo ay u gudbisay Codsigeeda Musharaxnimo, Shahaadada Jaamacadeed iyo Dukumentiyo kale.

Waxay kaloo xustay inay Guddiga Doorashadda Galmudug iyada si diiran u soo dhaweeyeen, isla markaana ay guddoonsiiyeen  Shahaado Sharaf muujinaysa inay tahay Musharax u taagan xubinnimadda Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo soda.

received_327740344268810

“Aniga waxaan diyaar u ahay inaan u adeego Dadkayga iyo Dalkayga, isla markaana aan Aqoontayda, Muruqeyga iyo Maalkayga kaga qeyb qaato Dib-dhiska Nidaamka Dowladnimo ee dalkeenna hooyo” ayey tiri Musharax Fawsiya Xasan Abuukar oo ah Aqoonyahanad tababaro iyo Wacyi-gelin joogto ah u fidisa Haweenka Soomaalida si ay u fahmaan Dhismaha dowladnimo iyo Kaalinta Haweenka ka qaadan karaan Hawlaha Siyaasadda.

“Madama madaxweynaha uu saxiixay iney haweenka 30% ku yeeshaan barlamaanka , waxaan la haboon in karsiga beeshiisa uu siiyo gabar , gaar ahaan anigo ah aqoonyahanad ku heyb ah ” aye tiri Musharax Fowzia oo ku baaqday in meesha laga saaro qof jecleysiga

Musharax Fawsiya Xasan Abuukar waxay kaloo bidhaamisay inuu Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda Somalia, Saadaq Macallim C/kariim uu ugu goodiyey inay ka tanaasusho Musharaxnimadeeda, ama haddii kale ay Nolosheeda khatar geli dono.

received_327755697600608Waxayna hoosta ka xariiqday inaysan ka tanaasuli doonin Musharaxnimadda Xildhibaanimo ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka, maadaama ay tahay Muwaadinad Soomaaliyeed oo Xuquuq Qaran u leh in iyada la dooran karo iyo inay wax dooran karto.

Musharax Fawsiya Xasan Abuukar waxay jufo hoose wadaagaan Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda, Saadaq Macallim C/kariim iyo  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Saadaq Macalin C/Kariim ayaa qaba gabar uu adeer u yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, si kastaba ha ahaatee Saadaq ayaa u muuqda inuu garab ka heysto madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News