29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Xog: Qorshaha siyaasada cusub ee Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dubai (Caasimada Online) – Siyaasadda cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta [UAE] ee ku wajahan arrimaha Soomaaliya, waxaa ka soo baxaya is-weydiimo dhowr ah, oo ka imaanaya shaqsiyaad isugu jira siyaasiyiin iyo ganacsato.

Dowladda Imaaraadka oo muddo ka badan dhowr iyo 20 sanno bannaanka ka joogay siyaasadda Soomaaliya, ayaa saddexdii sanno ee u dambeeyey la soo baxday galaangal & weji cusub, waxaanna tillaabooyinka ilaa hadda ay ku dhaqaaqday Imaaraadka ee wax la iska weydiinayo ka mid ah:

1) Hubkii ay ka soo dejisay Dekadaha Boosaaso, Kismaayo & Berbera.

2) Heshiiskii ku saabsanaa dhismaha Dekadda Berbera ee ay la gashay Somaliland.

3) Shirkii ay dhowaan Dubai isugu yeertay Madaxda Maamul Goboleedyada Magaalada Dubai.

Ganacsade Cali Ceydaruus oo sida uu sheegay muddo ka badan 30 sanno deganaa Magaalada Sharja ee dalka Imaaradka, ayaa faragelinta Imaaraadka ee Soomaaliya ku sheegay inay la xiriirto in ay si weyn u dhibsadeen iskaashiga Dowladaha Soomaaliya & Turkiga & dedaaladda Turkiga ay ka wadaan Dekadda Muqdisho & meelo ka mid ah Muqdisho & Soomaaliya.

“Ganacsiga Soomaaliya imaada waxaa marin u ah Dekadaha Imaaraadka, haddii Dekadda Muqdisho ay furanto Imaaraadka waxeey weynayeen dhaqaalihii canshuurta ee ka soo geli jiray duulaankooda, Tan kale, Turkigu dan kasta ha wate ilaa hadda wax wanaagsan ayuu ka sameeyey Soomaaliya, waa walaal soo gurmaday ” Ayuu yiri Cali Ceydaruus, wuxuuna intaasi ku daray in Soomaaliya lagaga faa’ideysanayo shaqsiyaadka metelaya ee madax ku sheega ah, oo ah kuwa wax waliba ay kala weyn yihiin gacan hoorsi.

“Dowlad iyadiiba kala socoto, oo madaxdeedu aysan jirin hadaf qura oo ay ku mideysan yihiin maxaa diidaya in sidii doono laga yeelo.? Qof baahan oo gacanta hoorsanaya wax ma noqon karo, ilaa qofku isu kalsoonaado oo aamino Haybadda & Qiyamka uu xambaarsan yahay ee dalkiisa. Waxaad arkeysaa Madaxweynihii, R/wasaarihii & musharixiintii kale oo ku loolamaya taageerada Imaaraadka. Siddeed u naqdin kartaa qof ku taageeraya, ma jirto mabda’ Qaran oo la wada ilaalinayo” Ayuu yiri Ganacsade Cali, wuxuuna tilmaamay inta Soomaaliya ay madax u yihiin kuwa daneystayaal ah oo aan lala xisaabtameyn in Soomaaliya halka ay joogto in ay hoos kaga sii dhacdo ma ahane in aysan kor u soo kaceyn.

“Imaaraadka hal sheey ayeey rabaan oo keliya in ay curyaamiso xiriirka Turkiga & Soomaaliya, waxeey doonayaan in Soomaaliya ay ahaato meel gaajo ah, oo aan wax horumar ah ka jirin” Ayuu yiri Ganacsade Cali.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News