Xog: Al-Shabaab oo ka baxday Xarardheere amar culusna dul-dhigtay shacabka

Hobyo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug waxay sheegayaan in kooxda Al-Shabaab ay faarujisay degmadaas, kadib markii ay ka war heleen in duulaan culus uu uga soo wajahan yahay dhanka Hobyo iyo Wisil.

Al-Shabaab waxay sidoo kale degmada ka saareen dhamaan dadkii ku noolaa, waxayna u kaxeysteen dhulka howdka ah, si ay uga badbaadaan duqeymaha diyaaradaha.

Warkaan sheegaya in Al-Shabaab ay ka baxeen degmada Xarardheere wuxuu soo yeeray iyadoo uu socdo abaabulkii ugu xooganaa oo magaaladaas looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab – Xarardheere ayaa weligeed ku jirtay gacanta Al-Shabaab.

Ciidamada PSF ee Puntland ayaa si rasmi ah ugu biiray gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta gobolka Mudug, xili ay howl-galo culus ka bilaabanayaan deegaanada maamulka Galmudug.

Cutubyo ka tirsan ciidanka PSF oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramaya inay gaareen degmada Hobyo ee gobolkaasi.

Ciidamada PSF ee Putland ayaa xoojinaya ciidamada xooga dalka iyo Daraawiishta Galmudug ee loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo qorshihiisa la diyaariyay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamadan wada-jirka ah ay ku jihaysan yihiin deegaanada koonfurta gobolka Mudug oo ay weli ku harsan yihiin Al-Shabaab, si halkaasi looga saaro cadawga, degmada qadiimiga ah ee Xarardheere ayaa ugu horeysa deegaanada uu ku wajahan yahay gulufkaan.

Sidoo kale ciidamada Danab ee xoogga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad u buux dhaafiyey magaalooyinka Wisil iyo Hobyo ee gobolka Mudug, halkaas oo saldhig u ah abaabulka lagu xoreynayo dhulka ka maqan Galmudug.

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa hore u sheegtay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi, xili ay muddooyinkii dambe ku jireen diyaar-garowgii u dambeeyay.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa la sheegay inuu hoggaami doono gulufka Al-Shabaab looga xoreynayo Galmudug ee abaabulkiisu uu ka socdo Koonfurta Gobolka Mudug.

Kooxda Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe bilowday inay faarujiyaan deegaanada ay ku sugan yihiin, markii ay ka war helaan in lagu soo wajahan yahay, ma galaan dagaal is difaacid ah, laakiin waxay weli awoodaan inay weerar toos ah ku qaadaan xeryaha ciidamada, taas oo dhibaato badan ay ku qabaan ciidamada Soomaaliya.