24.4 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

Xog: Axmed Daaci oo arrin yaab leh ku xiray ka bixitaanka xabsiga uu ku jiro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay laamaha Ammaanka Dowlada Federaalka Somalia, ayaa sheegaya in maalmaha soo socda la filaayo in dib loo soo daayo Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir Axmed Daaci.

Axmed Xasan Caddow “Axmed Daaci’’, ayaa waxa uu xiligaani ku xiran yahay Xarunta Hay’adda Nabadsugida, kadib markii lagu soo qabtay Howlgalo adag oo Hub ka dhigis ah oo laga fuliyay Degmada Wadajir.

Wararku waxa ay sheegayaan in deysmada Axmed Daaci ay ka qeybqaadanayaan Siyaasiyiin iyo Waxgarad ayidsan DF Somalia waxaana heer gabagabo maraaya dadaalada loogu jiro deysmadiisa.

Axmed Daaci ayaa waxa uu ka bixitaanka xabsiga uu ku xiray shuruud ah inuu DF ka doonayo magdhow laga siiyo khasaarihii ka soo gaaray iska horimaadkaasi sababay dhimashadda, dhaawaca iyo burburka hantiyeed.

Dhanka kale, DF ayaa iyana dhankeeda ku doodeysa in Khasaarahaasi uu u dhacay si kama’ ah bishan August 15-dii ka dhacay Degmadda Wadajir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News