Cabdi Weli GAAS oo beeniyey wararkii Addis-Ababa laga soo sheegay ee ah…

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta oo Arbaca ah dib ugu laabtay magaalada Garoowe kaddib markii uu ka yimid safar shaqo oo uu ku tagay magaalada magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Gaas oo saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada ayaa ugu horeyn sheegay in uu la kulmay madaxda dowladda Itoobiya iyo saraakiil kale isla markaana ay ka hadleyn siddii loo xoojin lahaa xiiriirka dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo Puntland sidoo kalena ay ka hadleyn calaaqaadka u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya.

Madaxweyne Gaas ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay kulmeyn isaga iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed isla markaana ay ka hadleyn maamul u sameynta gobalda dhexe iyo khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda fedaraalka.

Mudane Gaas ayaa tilmaamay in uu ku arkay Addis Ababa ra’iisal wasaaraha Soomaaliya balse aanu jirin wax kulamo ah oo ay qaateyn.

Waxaa jiray warar sheegaya in uu jiray kulamo ay yeesheen madaxweynaha Puntland iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ka qeybgalay shirkii madaxda IGAD ee ka dhacay Addis Ababa.

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay heshiisyo ay kala saxiixdeen wafdiga la socday iyo madaxda dowladda Itoobiya kuwaasoo la xiriirka xiriir dhinaca ganacsiga, waxbarashadda iyo ammaanka oo dhexmara iyaga iyo dowladda Itoobiya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garowe

Caasimada@live.com