Axmed DAACI oo mar kale lagu qabtay hub farabadan (Sidee wax u dhaceen)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Ciidamada Nabadsugida Qaranka Somalia ay weeraro ku qaaden Goob ay Isbaaro u tiilay Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Daaci.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamada Nabadsugida ay ku dhawaad 120 Qori ka qaaden Maleeshiyaad taabacsanaa Axmed Daaci oo ku sugnaa Degmada Wadajir, iyadoona ay halkaasi ku xirxireen Maleeshiyaad si aad u hubeysnaa oo ay Isbaaro u tiilay Jasiira.

Ciidamada oo wata gaadiidka Dagaalka ayaa waxa ay maanta ku qaaden Goobo ay ka qowleystaa Maleeshiyada Axmed Daaci kuwaasi oo qaarkood loo ka xeeyay Xabsiga Jilicow, halka qaarna ay baxsadeen.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa waxa ay wadooyinka Degmada ka Uruuriyeen Dhalinyaro ka tirsaneyd Ciidamada Dowlada oo iyagu ku labisnaa dhar shacab islamarkaana watay Hub noocyada fud-fudud.

Dhanka kale, Hubka laga qaaday Maleeshiyaadka taabacsanaa Axmed Daaci oo ay Isbaaro u tiilay Jaziira, ayaa waxaa la geeyay Xabsiga Jilacow, halkaasi oo la sheegay in lagu kala soo caayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com