Shirkii Goobweyn oo heshiis 7 qodob lagu gaaray iyo BARRE oo aqbalay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Magaalada Goobweyn ay gaareen Wasiiro iyo xubno ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia oo kulamo la qaatay Col. Barre Hiiraale iyo Saraakiil ka tirsan garabkiisa.

Ujeedka Wasiirada ay u gaareen magaalada Goobweyn, ayaa la sheegayaa inay tahay mid xal loogu abuuraayo Hoggaamiyaha Maamulka KMG Jubba Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale, waxaana la soo sheegayaa in Col. Barre uu usoo dabcay inuu la hadlo Axmed Madoobe, iyadoona uu iminka si xowli ah usocdo wadahadal albaabada u xiran yihiin oo u dhexeeya madaxdaasi oo kaliya.

Wasiirada gaaray Goobweyn ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Maaliyada Xuseen Xalane iyo Wasiirka arrimaha gudaha Cabdilaahi Goodax Barre iyo Saraakiil sare oo ka tirsan golaha nabada iyo midnimada Jubba.

Warar hoose oo naga soo gaaray Goobweyn ayaa sheegaya in Shirkaasi looga hadlaayo sidii loo dhameyn lahaa khilaafka labada garab ee isku haya Maamulka Jubba, iyadoona Col. Barre uu Wasiiradaasi u sheegay inuusan kasoo horjeedin nabada iyo Horumarka balse uu diidan yahay in lanaas-nuujiyo Qabiilo gaar ah oo marti u ah Kismaayo.

Kullanka oo sii socon doono ayaa waxaa si horudhac ah looga soo saaray Dhowr qodob oo ay kamid yihiin:-

1-In Kismaayo loo aqoonsado inay tahay Deegaan loo siman yahay.

2-In kullamo horudhac ah ay wada yeeshaan labada garab ee Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe.

3-In ka hor inta uusan dhicin shirka Kismaayo lawada qaato wada-xaajood meesha ka saaraya mad-madowga ama shucaaca.

4-In Maamulka Ahmed Madoobe uu yahay KMG lagu aqoonsaday hishiiiskii Magaaladda Adis Ababa.

5-In si kumeel-gaar ah ay labada garab mas’uuliyad ay isaga saaraan Ammaanka Kismaayo.

6-In Ammaanka Kismaayo looga dambeynaayo AMISOM, garabka labaadna uu noqon doono Ciidamo isku dhafan oo ka kala imaanaya dhanka Axmed Madoobe iyo dhanka Col, Barre Hiiraale,

7-Shirka Kismaayo waa inuu noqdaa mid u dhexeeya labada garab ee Goobweyn iyo Kismaayo oo uu u dhexeeyo mad-madowga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com