XOG: Axmed Madoobe oo arka SHIRQOOL socda oo lagu qabsanayo Jubaland

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka walacsan in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay waddo qorshe ballaaran oo ay ku qabsaneyso Jubaland, xilli ay sare u kacday xiisdda labada dhinac.

Agaasimihii hore ee mashruuca Geeska Arika ee hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee ICG (International Crisis Group) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter ku sheegay in Axmed Madoobe uu aad uga carreysan yahay xariga dowladda federaalka ee wasiirkiisa amniga Cabdirashiid Janan.

Rahsiid Cabdi, oo sida uu sheegay Janan ay shirqooleen ciidamada Itoobiya, islamarkaana u gacan geliyeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayuu Axmed Madoobe u arkaa inay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo Itoobiyaanka ay kusoo weerarayaan kuna qabsanayaan Jubaland.

Waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu dhowaan u bixi doono magaalada Naiorbi ee dalka Kenya, isaga oo dowladda dalkaas ka codsan doona inay gacan siiso.

Booliiska Soomaaliya ayaa 31-kii August garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku xiray wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan, isaga oo ka yimid deegaanka Doolow ee gobolka Gedo una socday magaalada Addis Ababa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasiamda@live.com