XOG: Axmed Madoobe oo go’aan yaab leh ka gaaray Beer-laxawsiga Xassan Sheekh

Muqdsho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa inuu go’aan cad ka gaaray codsiyo gaara oo uu usoo diray Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud.

Axmed Madoobe oo kulan la qaatay xubno isaga ku dhow dhow Siyaasad ahaan, ayaa sheegay in Xassan Sheekh uusan ku tashan doonin cododka Xildhibaanada Jubbaland uga mid noqon doona Baarlamaanka Somalia.

Axmed Madoobe, ayaa kulanka uu la qaatay shaqsiyaadkaasi ka sheegay in qof waliba ay mudan tahay inuu isku tashto, sidaa darteedna uusan awood u laheyn in Xildhibaanada maamulkiisa uu ku caburiyo inay doortaan Xassan Sheekh.

Madoobe ayaa la sheegayaa inuu waxbadan oo ay ugu horeyso tirooyinka Jubbaland laga siiyay Aqalka Sare ka tabaanayo Xassan Sheekh iyo qodobo kale oo aan weli la sheegin.

Go’aankaani uu Axmed Madoobe ka gaaray Xassan Sheekh ayaa waxa uu nusqaan rajo u keeni karaa Madaxweynaha uu wakhtiga ka dhamaaday ahna Musharax u taagan qabashada mar kale xilka.

Xassan Sheekh ayaa ku tashanaaya inta badan codadka Xildhibaanada ka imaan doona maamulada dalka, hayeeshee waxa ay tani caburin Siyaasadeed ku noqonkartaa Xassan.

Lama oga waxa iska bedeli doona go’aankaani maadaama Siyaasada Xassan Sheekh ay tahay mid iminka ku fooraarto maamul Goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com