Dagaalka Puntland iyo Galmudug oo wali socda iyo Khasaaraha oo sii xoogeysanaaya

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu weli kasoo baxayaa Dagaalka ka socda Gaalkacyo ee u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo Galmudug kaasi oo ka dhacay Duleedka Koonfur Galbeed ee Gaalkacyo.

Dadka ugu badan ee uu khasaaraha soo gaaray ayaa la sheegay inay yihiin ciidamada labada dhinac, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo iyo dhimasho soo gaaray dad rayid ah.

Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo ayaa la gaarsiiyay 12 dhimasho ah 19 dhaawac ah, Halka Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug oo kuyaal waqooyiga Gaalkacyo la keenay 5 dhimasho ah iyo 7 dhaawac ah.

Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo aan wali la geynin xarumaha Caafimaadka kuwaasi oo la dhigay Xaafadaha kadib markii la waayay waddo la mariyo maadaama uu weli socdo dagaalka.

Saraakiisha Ciidamada labada maamul ayaa kala sheegtay Guulo waxa ayna qeyb waliba ay ku goodineysaa inaysan dagaalka socda joojin doonin.

Dagaalka ayaa weli ah mid socda waxaana la maqlayaa rasaaso xoogan, iyadoo la garan la’ yahay qaabka lagu hakin lahaa dagaalka.

Docda kale, waxaa deegaanada uu dagaalka ka socdo ka barakacay dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com