28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Axmed Madoobe oo siriq siyaasadeed u dhigay maamulka Gedo iyo kulan xasaasi oo dhacaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in Degmada Doolow ee Gobolka Gedo uu shir xasaasi ah uga furmi doono Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam ”Axmed Madoobe” iyo Maamulka Gobolka Gedo oo ay wehlin doonaan Siyaasiyiin.

Kulanka ayaa ah mid uu Hogaamiyaha Maamulka ku doonaayo inuu xal kaga gaaro Khilaafyada iyo kala aragti duwanaanshiyaha Maamulka Gedo.

Shirkan, ayaa waxaa ka qaybgeli doono Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cabdi Shire Warsame, Maxamed Cabdi Kaliil iyo Siyaasiyiinta kale ee ku sugan Degmada Doolow, waxa uuna Axmed Madoobe Mas’uuliyiintaasi ka dalban doona inay dhexmarto wadashaqeyn.

Maamulka Gedo ayaan aaminsan in Maamulkooda uu yahay mid ka madax-banaan kan Jubba, halka Axmed Madoobe uu isna ka aaminsan yahay in Deegaano farabadan oo hoostaga Gedo uu maamulkiisa hoos imaado.

Sidoo kale, socdaalka Axmed Madoobe waxaa barbar socda dhismaha Maamulka Baardheere iyo in Siyaasiyiinta Gobolka uu ka dhaadhiciyo Barnaamijka la xiriira Doorashada si uu kalsooni uga helo.

Lama oga natiijada kasoo bixi doonta shirka maanta ka furmi doono Degmada Doolow inkastoo Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe ay ka go’an tahay in Maamulka iyo Siyaasiyiinta Gedo uu siriq u dhigo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News