Xog: Axmed Madoobe oo xildhibaanada Jubaland siiyey amar la xiriira doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamo iyo shirar kala gooni ah la leh xildhibaanada deegaan doorashadooda tahay Jubbaland iyo qeybaha kale ee bulshada.

Axmed Madoobe ayaaujeedada socdaalka uu ku joogo Muqdisho ay tahay mid la xiriirta doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo inuu dhiso cidda uu ka dhex arko danta Jubbaland marka laga reebo madaxweyne Farmaajo oo colaad gaamurtay ay kala dhaxeyso.

Sida ay fahamsan tahay Caasimada Online, Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Kismaayo iyo Ceelwaaq kala hadlay cidda ay tahay inay codkooda ugu hiiliyaan iyagoo eegaya danta dalka iyo tan Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada uu la kulmay kula dardaarmay inaysan codkooda siismo iska daayee xitaa aysan ku qaldin murashax madaxweyne Farmaajo oo khilaaf shan sano jirsaday kala dhaxeeyo maamulka Axmed Madoobe.

Go’aanka baarlamaanka ku sharciyeeyay xildhibaanada Ceelwaaq oo madaxweyne Farmaajo looga guuleystay ayuu Axmed Madoobe u arkaa mid dhabar jab ku ah Farmaajo, maadaama maanta uusan hal xildhibaan ka haysan mudanayaasha Kismaayo iyo Ceeleaaq lagu soo doortay.

Farmaajo ayaa dhankiisa taageerayay sidii xildhibaanada Garbahaareey lagu soo doortay ay u noqon lahaayeen kuwo ka qeybgala fadhiyada baarlamaanka si uu ugu xisaabtamo cododka xildhibaanadaasi la diiday.

Ugu danbeyn, Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu kusii sugnaado Muqdisho ilaa maalinta doorashada si uu u hubsado guuldarrada madaxweyne Farmaajo, inkastoo aysan caddeyn murashaxa guuleysan doona. 

Inkasta oo markii hore la fahamsanaa in Axmed Madoobe uu taageersan yahay Saciid Deni, haddana warar soo baxay maalmihii dhowaa ayaa sheegaya inuu hadda si hoose u dhisayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Axmed Madoobe ayaa rumeysan inay aad u yar tahay rajada uu Saciid Deni ku noqon karo madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo aan haysan taageero ku filan.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Axaddii niyad jab weyn kala kulmay xildhibaanada laga soo doortay maamulka goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, ee uu sida weyn isugu haleynayey.