Xog: Beesha Caalamka oo Axmed Madoobe ka dalbatay in doorasho cusub la qabto

Kismaayo (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ka tirsan madaxtooyada magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa Caasimada Online u sheegay in xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay toos u soo waceen madaxweyne Axmed Madoobe kalana hadleen doorasho kale oo lagu qabto Jubaland.

Xubnaha aan warkaan ka soo xiganay ayaa sheegaya in Axmed Madoobe laga dalbaday in uu u hogaansamo doorasho kale oo laga qabto Kismaayo islamarkaana ay goob joog ka noqdaan dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, si loo xaliyo tabashooyinka jira.

Sidoo kale xubnahaan ka tirsan Beesha Caalamka ayaa la hadlay Xidig iyo Seeraar iyo waliba dowladda Soomaaliya waxayna sheegeen in daganaan ay ku dhameyn doonaan arrimaha ka taagan Jubbaland.

Dadka Axmed Madoobe la hadlay waxaa kamid ah Safiirka Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya James Swan iyo wakiilo kale oo ka tirsan Midowga Yurub iyo dalalka daneeya Arimaha Soomaaliya.

“Waxaa loo sheegay in beesha caalamka ay taageereyso daganaanshiyaha Jubbaland isalmarkaana aysan aqoonsaneen doorashadii ka dhacday Kismaayo ilaa ay xubnaha goob ka noqdaan doorashada iyadoo la kaashanayo DF” ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Lama oga sida uu Axmed Madoobe ku ogolaan doono doorasho kale oo ka dhacday degaanada Jubbaland waxaana maalmaha soo socda la filayaa in uu aado dalka Kenya islamarkaana uu kulamo la soo qaato masuuliyiin ka tirsan Kenya, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in safarkii Kenya uu baajiyay balse wafdi Kenyan ah ay u imaan doonaan maalmama soo socda.

Go’aanka beesha caalamka ayaa imanaya ayada oo sidoo kale beesha caalamka ay uga digtay dowladda Soomaaliya inay doorasho ku qabato gobolka Gedo, taasi oo ay sheegtay inay kasii dari karto xiisadda taagan. Halkan ka aqriso warkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com