Kismaayo: Ciidamo guryaha kala baxay dhowr dhallinyaro

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxay faah faahin ka soo baxaysaa hawlgal qorsheysan oo Ciidamada Jubbaland ay shalay ka sameeyen qaybo ka mid ah xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Booliska & Nabad Suggida Jubbaland oo ka jawaabaya dilkii laba habeen ka hor Magaalada Kismaayo loogu gaystay Nabadoon/ganacsade Siciid Ciise Cabdi (Siciid Adoon) ayaa gacanta ku soo dhigay dad dhalinyaro u badan.

Ciidamada ayaa waxay gudaha u galeen guryo ku yaala Calanley, waxayna ka soo qab qabteen dhalinyaro, kuwaa oo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin falal amni-darro.

Labada ciidan ayaa dhalinyaradaasi ula dhaqaaqay xarumaha hay’adaha ammaanka ee Magaalada Kismaayo, halkaasoo su’aalo lagu weydiinayo.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Jubbaland ay dib xoriyadooda u siiyeen dhalinyaro kale oo laga soo qab qabtay xaafadda Calanley, ka dib markii la xaqiiqsaday inaanay khatar amniga ku ahayn.

Cabdinuur Ibraahim Xuseen, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgalka dhalinyarada lagu soo qab qabtay uu ahaa mid qorsheysan.

Afhayeenka ayaa sheegay in dadkaasi uu soo galay tuhun dhinaca amniga ku aadan, isagoo intaa ku daray in iminka wax laga weydiinayo farmuuqa lagu sameeyay.

Afhayeenka ayaa qiray inay jiraan dhalinyaro kale oo xaafadda Calanley laga soo qab qabtay, kuwaa oo dib loo sii daayay, ka gadaal markii lagu waayay wax dembi ah.

Cabdinuur Ibraahim ayaa laamaha amniga ka codsaday inay si deg deg ah sharciga ku horkeenaan kuwii ka masuulka ahaa dilkii Siciid Ciise Cabdi, oo ka mid ahaa dadka hodanka ah ee Magaalada Kismaayo ku dhaqan.

Dilkan ayaa ka careysiiyay bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo qaybtood, iyadoo ay shalay magaalada ka sameeyen dibadbax ay kaga soo horjeedaan dilka ganacsadaha.

Siciid Adoon ayaa lagu dilay agagaarka Sarta Calaaca ee xaafadda Calanley, iyadoo uu u dhintay rasaas ay huwiyeen rag la sheegay inay wejiyada soo xirteen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com