Xog: Beesha caalamka oo ka xumaatay 3 tallaabo oo FARMAAJO uu qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in beesha caalamka ay ka xumaatay tallaabooyin uu qaaday Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay sheegeen iinay dhaawac culus u geysteen dedaalladii ay wadeen wakiilada caalamka islamarkaana xaaladda sii adkeeyay. 

Sida aan xogta ku helnay, Beesha caalamka ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in ay qalad aheyd:

1 -In ciidanka ilaalada madaxtooyada uu geeyo madasha shirka ee Teendhada Afisyooni maalintii shirka uu furmayey ee Isniintii.
2 – Soo saarista jadwal aan lagala tashan ka qeyb-galayaasha shirka, kaasi oo ay baahisay madaxtooyada habeenkii Axadda.
3 – Iyo furitaanka shir hal dhinac ah, oo labada maamul goboleed ee Jubaland iyo Puntland ay qaadaceen. 

Qoraal ay wakiilada caalamka u direen Madaxweyne Farmaajo ayey ku sheegeen in dowladda ay sii adkeysay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan ay rajo dishay shirkii la filayay in xal looga gaaro muranka doorashada Soomaaliya, kaas oo ay soo abaabushay Qaramada Midoobay, illaa iyo haddana aan qabsoomin.

Ayada oo arrintan ka duuleysa ayey beesha caalamka joojisay shirkii Afisyoone, waxayna taa beddelkeeda hadda xooga saareysa in shirar aan toos aheyn lagu xaliyo arrimaha taagan kahor shirka guud.

Qoraal markii uu shirka fashilmay kasoo baxay QM ayaa lagu yiri “QM waxay qireysaa kulankii horudhaca u ahaa shir madaxeedka la qorsheeyey, oo haystay metelaadda qaar ka mid madaxda maamul goboleedyada. Waxay boorineysaa wada-tashiyo kale oo aan rasmi aheyn oo dheeraad ah oo dhaca maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo ka qeyb-galka dhameystiran ee loo baahan yahay si dhacdadan ay u noqoto mid soo saarta is-afgarad lagu fulinayo hanaankii doorashada 17-ka September.”

Beesha caalamka ayaa sidoo kale kadib abaabushay shir kale oo u dhaxeeya madax goboleedyada kaliya, iyana ay goobjoog ka tahay, shirkaas oo xalay qabsoomay ayada oo ay ka maqan tahay beesha caalamka kadib markii Farmaajo uu ku cadaadiyey madaxweyne goboleedyada taabiciyiinta ah inay diidaan beesha caalamka.

Safiirada Mareykanka, UK, Talyaaniga, Midowga Yurub iyo UN-ka ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku cadaadinaya inuu u qoor dhiibto beesha caalamka si loo dhameeyo muranka doorashada Soomaaliya, taas oo laga cabsi qabo in dalka u horseedo qalaalo dagaalo sokeeyo.

Xogtan aan helnay ayaa sheegeysa in beesha caalamka ay qaata ka taagan tahay xaaladda dalka, ayna rumeysan tahay in mar kasta oo xal soo dhowaado uu Farmaajo si hoose u qaadayo tallaabooyin fashiliya.

Waxaa sii kordhaya dareenka laga qabo in Farmaajo uusan diyaar u aheyn doorasho, xitaaa haddii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay tanaasulaan, taasi oo walaac xooggan gelisay beesha caalamka.