Xog: Beesha Caalamka oo soo faro-gelisay dibad-baxa la filayo inuu dhaco Jimcaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana qeyb ka ah musharaxiinta mucaaradka ah ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha beesha caalamka ay soo faro-geliyeen banaanabaxa la filayo in maalinta Jimcaha uu ka dhaco Muqdisho.

Wararka aan ka helnay xubnahaan ayaa sheegayaa in beesha caalamka ay la hadleen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, iyo ra’iisul wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo hogaamiyaal ay xubnaha beesha caalamka, islamarkaana ay ka dalbadeen in ay yeeshaan kulan fogaan arag ah oo ku saabsan xaaladda dalka

“Waxaan filaynaa in dhowaan uu dhaco kulan gaar ah oo mucaaradka iyo beesha caalamka ah islamarkaana laga wadahadlo banaanbaxa oo ay beesha caalamka dalbtay in la joojiyo,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan mucaaradka oo la hadlay Caasimada Online.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan banaanbaxyada la filayo in ay dhacaan waxayna qabaan aragti ah in dalka ay gelin karaan fowdo iyo qal qal amni.

Cabsida ugu weyn ayaa ah inay isku dhacaan ciidanka dowladda iyo dibad-baxayaasha kadibna uu horseedo kacdoon shacab oo kadib isku beddeli karaa dagaal, sida ay qabaan xubnaha beesha caalamka qaarkood.

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa todobaadkaan sheegay in ay qaban doonaan banaanbax looga soo horjeedo inuu kursiga sii fadhiyo Madaxweynaha uu waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laguna dalbanayo qabashada doorasho xor ah.