XOG: Beesha Caalamka oo xubno garwadeen ah u direysa Garoowe iyo KISMAAYO + Ujeeddada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Villa Somalia ayaa sheegaya in wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ay wadaan dadaalo ay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe ugu dirayaan ergo xal u raadinaayo khilaafka maamuladaas iyo dowladda Somalia.

Ergadaani ayaa la sheegayaa in labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ay kala hadli doonaan arrimaha la xiriira Khilaafka kala dhexeeya DF iyo in Madaxweyne Xasan.

Ujeedka socdaalka Ergadaasi ee ugu weyn ayaa ah in Madaxweyne C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe ay kala hadlaan in Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanadooda kana mid ah Mooshin wadayaasha ay ku guubaabiyaan inay taageeran go’aanka dib looga laabanaayo Mooshinka.

Ergada ayaa u badnaan doona diblumaasiyiin ka kala socda Britain, Mareykanka iyo Xubno kale waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Xubnahaasi ay wehlin doonaan Xubno ka socda Villa Somalia.

Madaxtooyada Somalia ayaa aaminsan in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay gacan ku leeyihiin Mooshinka socda, iyaga oo adeegsanaayo Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanadooda ee ku jira BF Somalia.

Beesha Caalamka ayaa xiligaani dadaal adag ku bixineyso sida xal loogu heli lahaa Mooshinka jahwareerka ku riday Madaxweyne Xassan Sheekh.

Lama oga go’aanka kasoo bixi doona kulanka ay Ergadaasi la qaadan doonaan labada Madaxweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com