MOOSHIN MADAXWEYNE MA RIDI KARAA??!!!!

Mooshinka dadka daba cararaaya waxay moodeen erayga mooshin inuu madaweyne ridi karo. Ma oga ama ma yaqaaniin in ay jiraan shuruudo loo baahan yahay in la qeexo marka Madaxweyne la ridaayo. Nasiib darro, afhayeenka barlamaanka oo soo bartay sharci weligiis kuma dhaqmin wax sharcigu u oggol yahay iyo waxa ka reeban…Jawaari uma sheegi karyo xildhibaanada arrintaan ay wadaan inaysan jirin wax caddeyn kara eedeymaha lagu soo qoray mooshinka, waxaana loo baahan yahay, sida qaynuunka qabo, in eedeyntu ay tahay mid caddaymo loo hayo wax shaki ahna uusan ku jirin…. sida lagu qeexo sharciga oo ah”beyond any reasonable doubt”waxay soo qaateen erayo laga soo guuriyay qaynuunka looga dhaqmo Mareykanka oo ahaa dalka ugu weyn adduunka oo isku dayay inay madaxweyne ku ridaan “impeachment”. Shuruudaha loo cuskaday waxaa ka mida inuu galay dembiyada ( treason, bribery and other high crimes and misdemeanors). Ma yaqaaniin erayadaas meesha ay ku habbon yihiin oo loo adeegsan karo.

Bal ka soo qaad erayga “treason” khiyaana qaran maxay ku caddeyn karaan in Madaxweyne Xasan Sheikh galay khiyaana qaran…runta marka la sheego heerka uu maanta maraayo dalka aad ayuu ugu duwan yahay ugana fiican yahay markuu yimid Madaxweyne Xasan Sheikh, waxaana socda horumar la wada qiray inuu ku socda xowli aad u dheereeya marka loo qiyaaso wadciga Somaliya..waxay ku xejiyeen musuqmaasuq oo ay ka soo qaateen “bribery”sida ku xusan dustuurka Mareykanka, xagey uga keeni rabaan caddeyn. Waxaa loo baahan yahay waxa lagu magacaabo “tangible evidence supported by documents”…away aqoonti uu sharciga u lahaa Jawaari`? Mooshinka inuu qabto ayaa khalad ahayd….waayoo waa lab-la-kac aan wax sharciga ah sal ku lahayn, markaasey ka codsadeen Madaxweyne Xasan Sheikh inuu iscasilo. Waxay moodaan erayga MOOSHIN marka lagu dhawaaqo in Madaxweynuhu dhacay!!!

Sidi aan horey u sheegnay Jawaari cidna ma dhihi karyo waad khaldan tahay, isagoo iska dhowraya iska horimaad ayaa takri fal, xad-gudubyo iyo dhaqan xumo kasta laga sameeyaa baarlamaanka gudihiisa mana ka hadlin weligii!!!

Bal xasuuso wixi dhacay xilligi mooshinka C/weli Xiirane markuu baarlamaanki isu beddelay maqaayadihi fadhi-ku-dirirka oo kale!!!

Waxaan saluugsanahay aaway la-taliyeyaashi Madaxweynaha ee xagga sharciga ? Maxaa ka horjooga inay arrimahaan ka hadlaan ama ay wax ka qoraan waa haddii howsha loo igmaday ay tani ka mid tahay!!!

Arrinta kale ee naxdinta leh waxay tahay in baarlamaanka soo socda ay soo xuli doonaan dowlad ngobaleedyada hadda jira iyo kuwa dhalan doona mustaqbalka dhaw…haddii ay taasi dhacdo Somaliya waa u dhammaatay, mana jiri doonto dowlad dambe oo dalkaan ka talisa. Waxaa dhici doonta in nin waliba uu tuuladiisa u tashado, dalkaana la kala qaybsado sidi horey uu u kashifay Daniel Arap Moi isagoo ku sugan Mareykanka….tii ayey ku socotaa!!!Waxaa la diyaariyay dadki fulin lahaa oo laga dhigay madaxweynayaal gobol oo ay wax kasta u beec yihiin!!! Allow naga soo gaar!!!

Farriin ku socota Muddulood:

Mudduloodka ku jira barlamaanka waxaa la yiri Madaxweyne Xasan Sheikh ma taageersana, waxaa iga xasuusin ah madaxweynaha P/land C/weli Gaas oo ah qaswadaha ugu weyn ee ka dambeeya buuqa iyo rabshadaha ka socda meelo badan oo dalka ah sida Jubbooyinka, Gobollada Dhexe, K/Galbeed iyo baarlamaanka uu taageero ka heysto xataa laymankoodu…adinkana nin isaga isa soo bixiyay oo heerkaa soo gaaray oo ah meshi dalka ugu sareysay ayaad u diidan tihiin taageero, waxa loola dagaalamayana oo lagu nacaayana waa inuu adinka idinka dhashay ee cid uu dembi ka galay dalka iyo dadka ma jirto…kuwa sida aadka uga soo horjeeda waxay cadeysteen in neceyb qabiil riixaayo. Marka Madaxweyne Xasan Sheikh waa nin aan niman lahayn.

Ogaada intuu Ilaahey u qoray ayuu meesha joogi doonaa cid sharci darro wax uga qaadi kartana ma jirto. Wax dembi ah uu galayna ma jiraan haddii runta la rabo!!

Waxaa diyaar ah kooxo iska xilsaaray inay arrimahaan murugsan oo jahliga iyo isir-neceyb ku saleysan ay talooyin ka bixiyaan tallaabooyinka ku habboona ka qaadaan hadba sidi loogu baahdo.

W/Q: Axmad Calasow

bashaar10@outlook.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid