FARTAAG iyo ciidamada Itoobiya oo maamul ay magacaabeen kusoo bandhigay BAARDHEERE.!!

Baardheere (Caasimada Online) – Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe oo ku adkeysanaya inuu Gobolka Gedo awood kula wareego ayaa maanta mar kale maamul cusub u magacaabay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyadoo uu howshaasina wado C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Xaflad lagu qabtay Baardheere oo ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya iyo Jen. Fartaag  ayaa maanta lagu qabtay ayaa lagu soo  bandhigay Maamulka Cusub ee degmada Baardheere oo loo magacaabay dad kala duwan oo ka mid noqon doona.

Fartaag1

Maamulka la magacaabay ayaa gaaraya 17  xubnood, waxaana guddoomiyaha degmada Baardheere loo magacaabay: Cadow Nuur Xasan, iyadoo Guddoomiye ku xigeen loo magacaabay Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax (Koofi).

Maamulka Axmed Madoobe ayaa sii wada magacaabidda maamulo ay u sameynayaan degmooyinka Gobolka Gedo oo dadweynuhu diidan yihiin, laakiin waxay taageero ka heystaan ciidamada Itoobiya oo dadka ku qasbaya maamulka Jubba.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com