Kenya & Itoobiya oo kala jiidanaya Jubaland iyo Axmed Madoobe oo heshiis cusub laga saxiixay

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha iJubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa shalay dib ugu soo laabtay kadib markii socdaal qaatay in ka badan toddobaad uu ku joogay  magaalada Nairoobi ee dalka Kenya. Safarkaas oo xaalad caafimaad lagu sheegay ayaa sidoo kale la sheegay inay u yeertay dowladda Kenya.

Socdaalka Axmed Madoobe oo ahaa mid degdeg ah oo la filayn ayaa warar u dhowdhow sheegayaan in dowladda Kenya ay heshiis cusub oo qarsoodi ah la soo gashay si maamulka Jubba oo u dhowaanaya Itoobiya ay xiriir rasmi ah ula yeeshaan.

Ma jirto ilaa hadda cid si rasmi ah uga hadashay safarka Axmed Madoobe, laakiin waxaa cad in dowladaha Itoobiya iyo Kenya ay heshiis ku yihiin oo kaliya faragelinta Soomaaliya balse ku kala duwan yihiin danahooda gaarka.

Axmed Madoobe ayaa si weyn ugu dhowaaday xilliyadii danbe dowladda Itoobiya, taasoo welwel ku abuurtay Kenya oo ciidamadeeda joogaan Jubbooyinka, iyadoo ahayd dowladda ugu weyn ee taageerta Axmed Madoobe xilli la filayo in ciidamo ka socda Itoobiya ay tagaan Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com