Xog: Goorta mooshinka la geynayo maxkamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada saxiixay mooshinka oo la soo xiriiray ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cisman Jawaari uu maalinta Sabtida ah oo aay taariikhdu tahay Ogosto 29, 2015 uu mooshinka u gudbin doono Maxkamadda sare.

Iyadoo markaas aay maxkamadda aay eegi doonto qodobada lagu soo eedeeyay madaxweynaha iyo in mooshinka uu waafaqsan yahay sharciga.

Wadal hadal iyo xaajood dhex maray guddoonka baarlabaanka iyo xildhibaanada wado mooshinka ayaa maalintii shalay ahayd la isku afgartay in lagu daro afar (4) xubnood guddiga garsoorka ee Maxkamadda Sare si markaas loo helo maxkamadii dastuuriga ahayd sida uu qabo dastuurka 1960. (Dastuurka 1960 – Halkaan ka akhri)

maxkamad

Guddiga garsoorka ee dastuurka oo tiradooda noqon doonta, sagaalka (9) xubnood ee guddiga garsoorka iyo u (4) xubin oo uu guddoonka baarlabaanka ku soo dari doona ayaa dhageysan doon
a dacwadda mooshinka, kaddibna haddii aay u arkaan in madaxweynaha uu jebiyay qodob ka mid 16 qodob ee lagu soo eedeeyay aay markaas u gudbin doonaan golaha baarlabaanka si aay cod ugu qaadaan mooshinka. Waxaa laga rabaa in tiro seddex dalool laba dalood 3/2 aay u codeyso mooshinka si markaas xilka looga qaado madaxweynaha.

Xildhibaanada wado mooshinka ayaa iyagu aaminsan in aay heli doonaan tiro ka badan 184 cod.

Xarunta madaxtooyada ayaa waxaa laga dareemayaa cabsi badan oo soo food saartay, kaddib go’aanka uu qaatay guddoomiyaha baarlabaanka oo ah in uu mooshinkan gudbiyo , iyadoo aay ahayd sharciyan in uu gudbiyo 12 maalmood ka hor, balse intaa u hakinayay bal in la helo xal siyaasadeed oo aan ahayn in maxkamada lagu kalo baxo.

Haddaba, dadka falanqeeya siyaaasadda ayaa aaminsan in mar haddii maxkamaddu aay ku hesho qodob ka mid ah qodobada lagu soo eedeeyay madaxweynaha, maxkamadduna u celiso mooshinka si looga doodo codna loogu qaado in markaas aay u badan tahay in beesha caalamku soo fara gashato mooshinka, isla markaana sidii tii dhacday 2008 aay ku cadaadiyaan in Madaxweynaha uu tanaasul sameeyo xilkana iska dhiibo. Ma aha markii ugu horreysay ee beesha caalamku soo fara gashato arrimaha iyo isqabqabsiga siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Waxaana taas sabab u ah in Soomaaliya aay beesha caalamku maal gashteen isla markaana aanay rabin in heykalkii dowladnimo in uu u burburo hal qof.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com