Xog: Biixi oo Imaaraadka u bandhigay in la taageero siyaasiyiinta HAWIYE!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi, ayaa la xaqiijiyay in Dowlada Imaaraadka Carabta ee Khilaaf Siyaasadeed kala dhexeeya Dowlada Somalia uu ku qanciyay inay taageerto Siyaasiyiinta Mucaaradka Beelaha Hawiye ee aadka uga soo horjeeda Dowlada Somalia.

Muuse Biixi, ayaa Dowlada Imaaraadka Carabta u sheegay in guusha Dowlada Somalia ay tahay mid hoos u dhigi karta in garab loo muujiyo Siyaasiyiinta Mucaaradka Beelaha Hawiye.

Sida uu qoray Wargeyska Geeska Africa ee kasoo baxa  magaalada Hargeysa, Hoggaamiye Muuse Biixi, oo ka duulaaya caqabadaha maamulkiisa ka heysta dhanka Dowlada Somalia ayuu dhinacyo badan ka eegay sida looga hortagi lahaa caqabadahaasi iyadoo loo maraayo adeegsiga Siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowlada uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Wargeyska Geeska oo xiganaaya Wargeyska caanka ah ee Indian Ocean, ayaa sheegay in Muuse Biixi uu go’aankaasi qaatay ka gadaal markii uu ka warhelay in Dowlada Somalia ay si toosa isku garabtaagtay maamulka Puntland oo dagaal kula jira Somaliland, sida uu qoray Wargeyska.

Waxa uu qoray in Muuse Biixi uu magaalada Nairobi u diray mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa kuwaa oo todobaadkii hore Hoteel ku yaalla magaalada kulamo qarsoodi ah kula qaatay Siyaasiyiin kasoo jeeda Beelaha Hawiye oo kasoo horjeeda Dowlada Somalia, iyadoo halkaa lagu dajiyay qorshayaal ku aadan is hortaaga DFS.

Muuse Biixi ayuu qoray Wargeeska in Dowlada Imaaraadka carabta uu ku cadaadiyay mar uu gaaray magaalada Abuu Dabai in si dhaba loo taageero Siyaasiyiinta Hawiye oo uu sheegay in xiligaan ay aad u dhaliilsan yihiin Dowlada Somalia, hase ahaatee ma cadda in Imaaraadka uu aqbalay iyo in kale.

Qorshaha Biixi uu ka leeyahay in Imaaraadka uu dhaqaale ku bixiyo Mucaradka Dowlada ayaa lagu sheegay inuu ka hortago taageero la sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu siiyo Maamulka Puntland iyo in Dowlada laga mashquuliyo howlaha ka socda Dekadda Berbera ee u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka carabta.

Sidoo kale, Wargeesyadu waxa ay qoreen in Dowlada Qadar ay Madaxweyne Farmaajo ku cadaadisay inuu helo taageerada Hoggaamiyaha Puntland Cabdiweli Gaas maadaama ay xuduud wadaagan Somaliland oo loo arko inay caqabad ku tahay Dowlada Somalia iyo Qadar.

Ma cadda waxa ka hirgalay kulamada magaalada Nairobi ku dhexmaray Mucaaradka Dowlada Somalia iyo Mas’uuliyiinta ka socday Somaliland ee uu soo wakiishay Muuse Biixi iyo waxa la gudboon Dowlada Imaaraadka oo loo ifinaayo dhinacyada ay ka jilicsan tahay Dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com