Xog: Boorsaani oo xilkiisa ku weyn doona saadex arrin oo halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu xil ka qaadis ku sameyn doono Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani).

Xil ka qaadista lagu sameynaayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa daba socta Xil ka qaadis lagu sameeyay Mas’uuliyiin dhowr ah oo xilal ka hayay DFS, gaar ahaan kuwo ka howlgala Villa Somalia.

Boorsaani ayaa la sheegay in lagu bedeli doono shaqsi dhawaanahaani ay hadal heysay Warbaahinta, kadib markii la sheegay in Guddoomiyaha uu ku hingoobay Shaqooyinka maamulka.

Guddoomiye Boorsaani ayaa xilkiisa ku weyn doona Dacwooyin ka dhan ah oo buux dhaafiyay Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Hanti dhowrka Guud ee Qaranka.

Tallaabooyinka uu xilka ku weyn doono Boorsaani ayaa lagu sheegay inay kala yihiin:

1 – Ku tagri falka Hantida Qaranka ee kasoo xaroota Gobolka Banaadir iyo in dhaqaalaha Qaranka uu ku taageeray shaqsiyaad gaara.

2 – Boob baahsan uu maamulka ku hayo dhulka danta guud iyo kuwa sida gaarka ah ay u leeyihiin Shacbiga Soomaaliyeed.

3 – Xafiisyada Maamulka oo ay buux dhaafiyeen shaqsiyaad ku heeb ah oo hal dhinac u badan iyo Xuquuqda shaqaalaha maamulka oo aan la bixin muddo 5-bil ah.

Qorshaha xil ka qaadista loogu sameynaayo Boorsaani ayaa sidoo kale looga dan leeyahay in lagu kala qaado Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho, waxaana labadaasi xil loo kala dhiibi doonaa labada mas’uul oo uu wato Madaxweyne Farmaajo.

Geesta kale, waxaa waayadaani soo ifbaxaayay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Boorsaani uu ku mashquulay iibsashada dhulalka danta guud iyo kuwa shacabka iyadoo arrintaani laga muujiyay cabashooyin, waxa ayna talaabadaasi shaki galisay Qaranimada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com