XOG: Britain oo faragalin ku sameysay dhismaha darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka SOMALIA!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo DF Somalia ay aad uga walaacsan tahay dhismaha darbiga ay Dowlada Kenya ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Somalia, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda Ee Baarlamaanka Somaliya, Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Dalxa ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in Dowlada Federaalka gaar ahaan Madaxda ugu sareysa ay isha ka daawadaan faragalinta Dowlada Kenya ay ku heyso xadka Somalia.

Dalxa waxa uu tilmaamay in Dowlada Federaalka looga baahan yahay in Beesha Caalamka ay u muujiso dareenkeeda ku aadan dhismaha Darbiga waxa uuna sheegay in BF Somalia uusan ka gaabsan doonin boobka ay Kenya ku heyso Somalia.

Xildhibaan dalxa oo arrintaasi si caro leh uga hadlaayay ayaa waxa uu yiri “ Madaxda Qaranka iyo Baarlamaanka Soomaaliyeedow waxaan idin sheegaynaa inuu soo saaray Baarlamaanka Jaamacadda Carabta qaraar ka dhan ah darbigaasi iyo badda Somaliya fara-gelinta lagu haayo. Qoraalkeedana waa kan, qaarkiinana waad haysataan, Guddoonkana waan u gudbinay, waa nasiib darro in Dowladu ay daciifnimo muujiso waayo Kenya waa dowlad, Somaliyana waa dowlad.”

“Waxaan rabnaa in qaraarkaan idinkana aad ayidaan, Dowladda Ingiriiska iyo labada dowladood oo kale, waxay ayideen qaraarkaan, waxaana loo qoray Dowladda Kenya inay darbigan joojiso, hadii Britain ay amartay in la joojiyo dhismaha darbiga Dowlada Somalia fadhi uma yaalla.”

‘’Dowlada Somalia lagama rabo inay noqoto doqon loo hiiliyay waxaa laga rabaa inay noqoto mid cadkeeda goosan karto’’

Dhanka kale, Xildhibaan dalxa ayaa ku baaqay in Dowlada Somalia iyo labadeeda gole ay ka faa’iideystaan faragalinta ay Dowlada Britain ku sameyneyso dhismaha darbiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com