Ahlu-Sunna oo amar cusub oo adag soo saartay!

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ururka Ahlu sunna ayaa amaro cusub kusoo rogay hayadaha ka howlgala deegaanada ay ka arimiyaan ururka Ahlu sunna.

Kulan ka dhacay magaalada Dhuusomareeb oo ay yeesheen xubnaha Ahlu sunna ayaa laga soo saaray amarka loo jeediyay hayadaha samafalka ee ka shaqeyn jiray magaalada Dhuusomareeb.

Waxaana loogu baaqay iney kusoo laabtaan magaalada Dhuusomareeb ayna iska diiwaan giliyaan magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Maxamed Axmed Warsameoo maaliyada u qaabilsan Ahlu sunna ayaa sheegay in ciidamada Ahlu sunna ay balan qaadayaan adkeynta amaanka hayadaha ka shaqeynaya Galgaduud.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhamaan looga baahan yahay hayahada iney labo jibaaraan shaqada loo qabanayo dadka  ku dhibaateysan deegaanada Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
Caasimada@live.com