XOG: Maamulka SH/DHEXE oo farqaha is heysta iyo gudoomiyayaal shaqada laga hakiyay kadib…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo gobolka Sh/dhexe, ayaa sheegaya in Maamulka Gobolkaasi uu ka dhex dhashay Khilaaf salka ku hayo qaabka loo maamulayo Gobolka.

Khilaafka ayaa ah mid u dhexeeya Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiye Ku-xigeenadiisa, waxa uuna Khilaafka saameeyay howlaha ka socday Xafiisyada Maamulka.

Warar hoose ayaa sheegaya in Khilaafka xoogiisa uu ka dhashay wada shaqeynta Gudoomiyaha iyo Ku-xigeenadiisa kadib markii Gudoomiyaha ay ku eedeeyen in awoodiisa uu u adeegsanaayo ku xigeenadiisa taasina ay sababtay in howsha Gobolka ay hakat gashay.

Sidoo kale, Guddoomiye Guudlaawe ayaa la soo warinayaa in Shaqadii uu u diiday in ay qabtaan Mas’uuliyiinta kala ah Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada,Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda iyo kan Arrimaha Bulshada.

Mas’uul ka tirsan Maamulka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Guddoomiyaha uu doonayo in uu Gacanta ku dhigo Dhaqaalaha soo gala Maamulka oo uu isku Koobo Daqliga Gobolka ka soo xarooda,Maadaama Gobolka Shabellaha Dhexe uu yahay Gobol Hodan ah oo wax soo saar leh, waxaana arrintaasi kasoo horjeestay Gudoomiye ku-xigeenada Maamulka.

Mas’uuliyiinta laga hakiyay Howshooda ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Dacwad ay soo gaarsiiyeen Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlada Federaalka ah ee Somalia C/raxmaan Odawaa, inkastoo ay xogtu sheegeyso in Odawaa uusan ka bixin wax jawaab ah oo ku saabsan Dacwada.

Lama Oga talaabada ay DF Somalia ka qaadan doonto Khilaafyada soo laalaabtay ee u dhexeeya Maamulka gobolka Sh/dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com