Xog ku saabsan kullankii R/W CC Sharmarke iyo Axmed Madoobe ee Kismaayo + Arrinta khilaafka

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maanta safar ku tagay magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, ayaa rajo ka muujiyay in lasoo af jaro khilaafka ka dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Mar uu Ra’iisul wasaaraha saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in maanta ay tahay fursad qaali ah in dib loo soo celiyo xiriirkii dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, waxa jirana lagu dhameeyo wada hadal.

Waxa uu sheegay in Jubbaland ay soo jeedisay cabashada jirta, islamarkaana ay soo magacaabi doonaan guddi si loo xaliyo cabashada iyo khilaafka jira waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay in ay rajeynayaan maalmaha soo adan in lagu tallaabsado horumar iyo sidoo kale in la wada hadlo oo lagu dadaalo in la gaaro hiigsiga 2016.

Dhinaca kale, Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay safarkaan, islamarkaana uu soo dhaweynayo.

Waxa uu tilmaamay Madoobe in Ra’iisul wasaarha ay islagarteen in la’isku dayo Kalsoonidii in dib loo soo celiyo maadaama sida uu sheegay ay soo baxday kalsooni darro badan.

“Waxaan isla garanay in kalsooni darro badan ay soo baxday, marka hore in la’isku dayo in kalsoonidii lasoo celiyo, soo maritaankiisa halkaanna ay ahayd in uu kalsooni abuuro, guddi dowladda Federaalka oo Ra’iisul wasaaraha soo magacaabay iyo kuwo reer Jubbaland ah in ay wada fariistaan ayaan isla garanay, kalsoonidii la keeno fara isku taagtaagna ay waxba tareen ayaan isku sheegnay” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu dambeyn rajo ka muujiyay in mira dhal uu kasoo baxo kulmada ay wada yeelan doonaan Labada dhinac, maadaama khilaaf uu jiray.

Jubbaland ayaa horay u sheegtay in kalsoonidii ay kala laabatay dowladda Federaalka Soomaaliya, ka dib markii baarlamaanka Soomaaliya uu diiday baarlamaanka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com