Dhaqaale xumada DFS oo meel xun maresa iyo Xasan oo carro kala dul dhacay beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ku dhaliilay wadamada beesha caalamka ineysan ka shaqeynin arrimaha sida dhabta ah ugu baahan dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay wadamada caalamka iney dhaqaalo badan ku bixiyaan dhismaha xarumaha aan muhiim ka u aheyn dowlada Soomaaliya, sida uu sheegay.

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay baahi weyn u qabtaa dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo taageerada ciidamada dowlada Soomaaliya loona baahan yahay in arimahaasi dhaqaalo lagu bixiyaa.

“Waxyaabaha aan la arkeynin maanta waxaa nalooga baahi badan yahay, waxa la arkayo ayaa nooga baahi badan, amniga nooga baahi badan, kaabayaasha dhaqaalaha ayaa nooga baahi badan, ee dhismaha xarumaha kaliya looma baahno”ayuu yiri Xasan Sheikh.

“Caalamka waxaan leenahay waxyaabaha aan la arkeynin ee si tartiib ah ku dhamaanaya yeysan dhaqaalo badan ku bixin, waa inaan u jeesanaa arimaha ciidamada”ayuu hadalkiisa kusii daray Xasan Sheikh.

Balaayiin doolar ayuu sheegay in arimaha aan muuqan ku bixiyaan beesha caalamka, isagoo sheegay in dalka uu iminka ku talaabsanayo horumar dhanka amaanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com