Safarrada Xasan Sh. oo la daba taagan yahay, BF oo su’aalo adag weydiiyey Fargeeti + MOOSHIN!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta su’aalo adag weydiiyay wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeti, kadib markii Baarlamaanku ugu yeeray inuu wax ka weydiiyo arrimo ku saabsan bixin la’aanta mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda iyo miisaaniyadda dowladda oo muran badan ka taagan yahay.

Wasiirka ayaa su’aalihii la weydiiyay waxaa ka mid ahaa:

1. Xisaab xirka miisaaniyadii hore iyo war uu ka soo saaray hanti dhowrka guud ee qaranka oo ahayd inaan lagu dhaqmin miisaaniyadii la dhigtay.

2. Lacag loogu talogalay xildhibaanadii baarlamaanka KMG ahayd oo khasnada dowlada ku soo xerooday, laakiin aan la siin ee arrimo kale loo adeegsaday.

3. Sida lagu bixiyo lacag aan miisaaniyadda ka mid ahayn ee loogu wareejiyo arrimo ka baxsan.

4. Sahayda safar ee madaxda dowladda Federaalka halka laga bixiyo haddii aysan miisaaniyadda ku jirin.

Wasiirka ayaa inta badan ka gaabsaday su’aalihii la weydiiyay markii ay aad ugu adkaadeen, wuxuuna gebi ahaan ku fashilmay su’aashii ku saabsaneyd: HALKA AY KA BAXDAY LACAGTII LOO QOONDEEYAY XILDHIBAANADII BAARLAMAANKII KMG AHAA EE LAGA BIXIYAY KHASNADA DOWLADDA?

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Fargeti ayaa sheegay in lacagtaas loo adeegsaday ciidamada qalabka sida. Mar la weydiiyay cidda amarka wareejinta lacagtaas bixisay iyo cidda leh awoodda in miisaaniyad qeyb ka mida loo qaato arrimo kale? Wuxuu Wasiir Fargeti sheegay in amar lacagtaas lagu bixiyay ay lahaayeen madaxda sare ee dowladda isaguna uu ka mid yahay xukuumad ahaan iyo madax sare ahaanba, isagoo ka gaabsaday inuu si cad u sheegay cidda amarkaasi ka yimid.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayay ka muuqatay inay si weyn uga niyad jabeen qaabka wasiirka maaliyadda uga jawaabay su’aalahooda, waxaana xildhibaanadu sheegeen keeni doonaan mooshi ay kalsoonida kala noqdaan wasiirka maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda waxaa su’aalaha la weydiinayay ku wehliyay guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyadoo su;aalo badan ay harsan yihiin isla markaana ay ugu weyn tahay xaaladda dhaqaalaha dalka iyo lacagta shilin Soomaaliga ah sida wax looga qabanayo.

Maamulka maaliyadda dowladda Federaalka ayaa inta badan lagu sifeeyaa inaan loo marin wax sharci ah oo lacagaha u soo xerooda dowladda ay toos ugu takri falaan madaxda sare ee dowladda.

Isha goobjooge