26.8 C
Mogadishu
Friday, May 29, 2026

Xog: Cabdi Weli Gaas oo ka tanaasulay 4.5 balse keenay shuruud kale oo cusub oo lala yaabay..!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya madaxtoyada maamulka Puntland ayaa sheehaya in Madaxweynaha maamulkaasi C/wali Gaas uu iminka kasoo dabcay halkii uu ka taagnaa diidmada 4.5.

Wararku waxa ay sheegayaan in C/wali Gaas uu iminka bilaabay gorgortan Siyaasadeed oo uu ku raadinaayo bedelka Puntland tanaasulkeeda, waxa ayna xogtu tibaaxeysaa in Ra’isul wasaare Sharmaarke uu dhankiisa ka saxiixi doono qodobada uu la imaan doono C/wali Gaas oo sidii hore kasoo dabcay.

Ilo wareedyo ka tirsan aqalka looga arrimiyo maamulka ayaa sheegay in inta badan khilaafkii ahaa 4.5 leyskala soo gudbay, waxaana la filayaa in Ra’isul wasaare Cumar iyo C/wali Gaas ay wada gaaran heshiis dhigaaya in Puntland laga qanciyo tanaasulkeeda.

Gaas oo la tashiyo la sameynaayo Odayaasha, ayaa waxaa laga dhowr sugayaa inay kusoo heshiiyaan qodobo dhowr ah, si Sharmaarke oo matalaaya Xukuumada Somalia uu isna qalinka ugu duugo.

Xogtu waxa ay intaa ku dareysaa in C/wali Gaas uu wato qodob ah in Xarunta dhexe oo ay ku hawlgalayaan Barlamaanka Federalka loo soo wareejiyo Magaalada Garowe, waa haddii lagu heshiiyo tanaasulka.

Caqabada ugu weyn ayaa noqon doonta in Xarunta dhexe ee BFS loo wareejiyo magaalada Garoowe, inkastoo aan la saadaalin karin waxa uu noqon doono Go’aanka Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News