26 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

“Madaxweyne Xasan iyo Damu-Jadiid dantooda, Puntland iney diido waa xaq” Waxa sidaa yiri…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Salaad Cali Jeele oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed horey xil kaga soo qabtay dowladii jiray ayaa si adag kaga hadlay wadahadalada u dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland ee nidaamka 4.5.

Xildhibaan hore Salaad Cali, ayaa taageeray go’aanka rasmiga ee Puntland qaadatay oo ay ku diidan nidaamka 4.5, wuxuuna sheegay in Puntland xaq buuxda u leedahay iney nidaamkaasi qaadato.

Wuxuu sheegay in 4.5 uu dan weyn ugu jiro koox uu ku sheegay DAM JADIID oo dalka maamusha iyo Xasan Sheikh Maxamuud, ayna muhiim tahay in laga soo wada horjeesto nidaamkaasi.

Isaga la hadlayay idaacada Risaala oo kamid ah idaacadaha Muqdisho ayuu sheegay in nidaamka 4.5 aysan dan ugu  jirin Puntland iyo guud ahaan shacabka balse loogu ololeynayo Xasan Sheikh iyo Dam jadiid iney talada dalka markale qabsadaan.

Shalay ayaa madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole wuxuu sheegay halkaan oo kale, isaga oo sheegay in nidaamka qabaliga uu mideyn waayay Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uuna sii kala fogeynayo ummada Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News