Xog: Cabdirashiid Janan oo Muqdisho ku sugan iyo DF Soomaaliya oo dagaal ku bilowday Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Cabdirashiid Janan oo ka mid ah Xubnaha aadka ugu dhow madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ayaa la dejiyey xarunta hay’adda nabad-sugidda ee Muqdisho.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in socdaalka Janan uu la xiriiro arrimaha doorashooyinka Jubbaland oo dowladda Federaalka raadineyso albaab ay ka gasho, xilli ay aad isku khilaafsan yihiin madaxweyne Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa horey u diiday in dowladda federaalka ah ay wax kaalin ama korjoogto ah ku yeelato doorashada madaxweynaha Jubaland.

Imaatinka Janan ee Muqdisho ayaa loo arkaa tallaabo bilow u ah dagaalka siyaasadeed ee dowladda federaalka ah ay dooneyso inay ku qaado madaxweyne Axmed Madoobe.

Inkastoo uu Janan yahay nin ka mid ragga ugu awoodda badan Jubbaland, marka loo eego gobolka Gedo, hadana waxaa la ogeyn waxa uu la soo bixi doono, marka dowladdu tashkiiliso, inta uu ku sugan yahay Muqdisho.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com