Xog: Cabdirashiid Xidig oo saddex sabab dartood kula heshiinaya Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana dhawaan sheegtay in loo doortay Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu wadaa in uu dhawaan qaato heshiis uu la galayo Axmed Madoobe.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Cabdirashiid Xidig wadahadal mira dhal ah ku soo dhamaaday uu la qaatay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ka hor inta uusan ka bixin Kismaayo.

Madaxweyne Deni ayaa Xildhibaan Cabdirashiid Xidig kala hadlay in uu ka tanaasulo sheegashada Madaxweynaha Jubbaland islamarkaana Madaxweyne Deni uu xalin doono dhammaan tabashooyinka uu qabo Xidig.

Xidig ayaa loo balan qaaday Lacag, soo laabashada kursigiisa iyo in xubno wasiiro ah laga siin doono Golaha Wasiirada Jubbaland, sidoo kalane mudnaan iyo tixgelin laga siin doono arimaha Jubbaland.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in 3 qodob ay sabab u noqon doonaan tanaasulka Xildhibaan Xidig sida aan ka soo xiganay xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo wadahadalka qayb ka ahaa.

  1. Lacag, xilal laga siinayo golaha wasiirada iyo soo laabashada kursigiisa ayaa la sheegay in ay sabab u noqon doonto tanaasuka Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig.
  2. Qodobka 2-aad ee sababta unoqon kara in uu tanaasulo Xidig ayaa lagu sheegay in uu furmay Kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka taasina ay sababi doonto in uu tanaasilo ama uu iska casilo kursiga Xildhibaano maadaama uusan soo xaadiri karin fadhiyada Baarlamaanka, sidoo kalane uusan ka maqnaan karin isagoo dalka ku sugan fasaxna aan heysan.
  3. Iyo qodobka 3aad ah in hadii ay dhacdo doorasho ay wadato Xukuumadda uusan soo bixi doonin Xidig balse ay xaqiiqo tahay in uu soo bixi doono Musharaxa Xukuumadda oo loo badaniyo Wasiir Oomaar taasina ay sababi doonto in ay kursigooda waayeen Xildhibaano badan uu isaga ugu horreeyo.

Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa Caasimada Online u sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan dhameynta Khilaafka Jubbaland gudaheeda ka jira balse waxay qireen in ay jirto faragelin ay ku heyso Xukuumadda Soomaaliya islamarkaana siyaasiinta qaar ay Xukuumadda ka dalbaneyso in aysan tanaasulin.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com