Xog: Cabsi laga qabo in Al-Shabaab ay la wareegaan degmooyin ka tirsan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay ilo sirdoon iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga Soomaaliya ayaa xaqiijinaya cabsi laga qabo in Al-Shabaab ay isku dayaan inay qabsadaan mid ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Weerarkan oo la sheegay inuu dhici karo Shanta bisha Maarso, ayaa waxaa lagu warramay in Al-Shabaab ay doonayaan inay ku beegsadaan saddexda degmo ee kala ah Yaaqshiid, Heliwaa iyo Dayniile. 

Qeybo ka mid ah degmooyinkan ayaa horey u ahaa meelo amnigooda xun yahay, ayada oo Al-Shabaab ay ku xoogan yihiin xilliyada habeenkii oo lagu arko qaar ka mid ah dagaalyahanadooda.

Inkasta oo Al-Shabaab aysan inta qabsadaan ku nagaan karin degmo ka mid ah Muqdisho, haddana qorshahooda ayaa ah inay haystaan muddo saacado ah, si ay ugu noqoto guul maskaxeed, uguna ceebeystaan dowladda fadhiidka ah ee Soomaaliya. 

Todobaadkii lasoo dhaafay iyo bilowgii todobaadkaan waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weeraro kala duwan oo lagu beegsaday xarumaha degmooyinka Kaxda, Hodan, Boondheere, iyo xarumo ciidan oo ku kala yaalla degmooyinka Deyniile iyo Yaaqshiid, waxaase ugu khasaare badnaa weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday xarunta degmada Kaxda oo ay Al-Shabaab la wareegeen, kana kaxeysteen labo gaari oo ciidamada booliska ay lahaayeen.

Dhinaca kale, waxaa maalmahaan soo kordhay dilalka iyo qaraxyada ay Muqdisho ka geysanayaan kooxda Al-Shabaab, laguna bartilmaameedsanayo xubnaha dowladda federaalka iyo cid kasta oo la shaqeysa.

Tan iyo markii ay ay si rasmi ah guud ahaan maamul goboleedyada iyo iyo goboka Banaadir ugu bilowdeen doorashooyinka xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa kordhay weerarada tooska ah ee kooxda Al-Shabaab ka fulinayaan magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.

Weerarada ay Al-Shabaab ku beegsanayaan xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir iyo saldhigyada ciidan ayaa muujinaya habacsanaan dhinaca amniga ah iyo in hay’addihii amniga ay ku dhex milmeen arrimaha doorashooyinka, taasoo kooxaha Shabaab u sahleysa inay beegsadaan xarumaha ay bartilmaameedkoodu yahay.