Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa wali ka taagan fashilka ka dhashay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaasi oo soo jiitamaya muddo bilooyin badan ah.
Shirkaasi oo wajigiisa labaad uu dhawaan ka furmay magaalada Jowhar wasiirka arimaha gudaha ayaa markale u muuqda mid cagta haya waddadii hore ay ugu kala tageen beelaha shirkaasi ka qeyb galaya.
Maalintii shalay ayaa ahaa xiligii balanta aheyd ee la doonayay in la xareeyo ergooyinka shirkaasi ka qeyb galeysa ee dhisaysa maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, balse ma aysan dhicin.
Wararka qaar ee aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in beelo qaar ay hadda ka baxeen shirka oo ay saluugsan yihiin qaabka wasaarada arimaha gudaha howsha u waddo.
Ilo xog ogaal ah oo aan la xiriirnaya ayaa sheegaya in loo badaniyo markal in shirka uu fashil ku yimaado ayna ku kala tagaan beelaha, maadaama aan la xareyn ergooyinka.
Wasaarada arimaha gudaha ayaa dhawaan sheegtay in la dhameeyay khilaafkii yaraa ee jiray, waxaase caqabad kale shirka ay kasoo wajahday dhanka mooshinka xildhibaanada ay soo diyaariyeen ee shirka ka dhanka ah.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

