Xog: CC Shakuur oo ka biya diiday in lagu sii daayo damaanad iyo xildhibaano ka carooday go’aankaas

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in CC Shakuur uu diiday in lagu sii daayo damaanat, kadib markii uu dalbaday in lagu cadeeyo kiiska lagu oogay.

CC Shakuur ayaa la xaqiijiyay in Maxkamada Gobolka iyo Madaxda Dowlada Federaalka ay u ogolaaden in lagu sii daayo damaanad, balse uu dalbaday in lasii hayo isla markaana lagu cadeeyo danbiga sababay weerarkiisa iyo in lasoo taago Maxkamad.

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Somalia oo isku dayay in CC Shakuur ay ku qanciyaan inuu ku baxo damaanad ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu ka diiday, maadaama uu DFS u xiran yahay muddo laba maalin ah.

Xildhibaanada qaar ayaa aad uga carooday diidmada CC Shakuur maadaama uusan heysan nafis ku filan, hase ahaatee waxaa qudhooda lagu qanciyay sababta uu CC Shakuur ugu adkeysanaayo inuu kusii jiro halka lagu hayo inta laga cadeynaayo kiiska.

Sidoo kale, Xeer ilaalinta Qaranka ayaa dhankeeda kawada dadaal lixaad leh oo lagu soo bandhigaayo cadeymaha la xiriira in CC Shakuur uu ka danbeeyay qorshooyin lagu dhabar jabin lahaa Qaranimada Somalia.

Maanta oo arbaco ah ayaa lagu madalsan yahay maxkamadda Gobolka Banaadir in dib la isugu soo noqdo waxaa la sugayaa in la horkeeno Cadeymaha eedeynta C/raxmaan C/Shakuur Warsame.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com