Sidee Cumar C/rashiid & C/raxmaan C/shakuur ugu midoobeen Qorshaha Imaaraadka Carabta..?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ololaha siyaasadeed ee lagu diyaariyay mooshinka ka dhanka ahaa madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu ka soo bilowday dalka Imaaraadka Carabta, waxaana ku midoobay siyaasiyiin aan isku mabda’ ahayn oo ku mideysan qodobka kaliya ee xilka laga tuuro dowladda Farmaajo.

Qorshahan wuxuu soo bilowday kadib xiisadii ka dhalatay dalalka Khaliijka ee Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dhinac ah iyo dowladda Qatar oo dhinac kale ah ay isku hayeen, waxayna dowladda Imaaraadka abaabushalay madaxda maamul goboleedyada oo kharasha lagu siiyay inay fashiliyaan, kana hor yimaadaan dowladda Farmaajo ee taageertay Qatar.

Qorshahaas oo ugu danbeyn si weyn ugu soo shaac baxay magaalada Kismaayo iyo dhismihii Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada, ayna ka dhalatay xil ka qaadistii madaxweynihii Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo xiisadii madaxda Galmudug, laakiin waxaa barbar socday abaabul ka socday Imaaraadka oo siyaasiyiin iyo madax hore lagu uruiyey si inta aan la gaarin sanadguurada koowaad ee xil qabashada Farmaajo kursiga looga tuuro mooshin ay kharashkiisa bixineyso Imaaraadka.

Siyaasiyiinta Imaaraadka lagu abaabulay, waxaa hormuud u ahaa:

1- Cumar C/rashiid Cali oo la-taliye u ah dowladda Imaaraadka

2- Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee Soomaaliya, saaxiibo dhowna la ah Imaaraadka

Waxaan Imaaraadka tegin oo qorshaha qeyb ka ahaa:

3- Xasan Sheekh Maxamuud -madaxweynihii hore ee Soomaaliya

4- C/raxmaan C/shakuur Warsame – Wasiir hore iyo musharax madaxweyne – Inkastoo aanu xiriir fiican la lahayn Imaaraadka waxaa qorshahan ku qalqaaliyey Cumar C/rashiid.

Dhibaatada ugu weyn ee ku timid Imaaraadka ayaa ahayd sidii la isugu heyn lahaa shaqsiyaadkan miisaanka siyaasadeed ku leh Soomaaliya oo laba ka mida ay hore madaxweynayaal u soo noqdeen, waana tan keentay in Shariif Sheekh Axmed uu isaga haro qorshaha arrimo ka dhashay cidda hoggaanka noqoneysa ee lagu bedelayo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qorshaha ayaa noqday in Cumar C/rashiid madaxweynaha cusub noqdo, taasoo ay ka gows qabsadeen Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh laakiin waxaa aqbalay oo xilka Ra’iisal wasaaraha loo qorsheeyay C/raxmaan C/shakuur.

Dhinaca kale Xasan Sheekh iyo kooxdiisa oo aan marna tegin Imaaraadka ayaan ku faraxsaneyn qaabka qorshaha loo dhigay, basle wuxuu go’aankoodu noqday inay garab u noqdaan mooshinka lagu ridayo Farmaajo, isla markaana markaas kadib ay doorkooda u dagaalamaan.

Qorshuhu sidii la doonyaya uma hirgelin, waxaana muddo qaadatay diyaarinta mooshinka oo howsha ugu adag noqotay sidii loogu heli lahaa saxiixyo ku filan oo Baarlamaanka si loo horgeeyo kalfadhigii labaad ee Baarlamaanka, taasoo ay ku baxday kharash, laakiin markii danbe dib u dhac ku yimid.

Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan C/shakuur waxay ku midoobeen qorshe ay hoosta ka riixeyso Imaaraadka Carabta, inkastoo qorshahan dib u dhac weyn ku yimid markii la xiray kalfadhiga Baarlamaanka, waxaa haddana dhiig soo geliyay falka lagula kacay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ahaa mishiinka ugu weyn ee Muqdisho ka waday Mooshinka.

Arrinta ku cusub siyaasadda Soomaaliya ayaa ah in Mooshin lagu wajaho maxkamad, iyadoo la ogyahay in mooshinadii hore loo adeegsan jiray lacag iyo laaluush, waxayna dad badan u arkaan in khibrad yaraanta kooxda Farmaajo ay soo nooleysay mashruuc haddii laga aamuso u dhowaa inuu iska dhinto ama laga gudbo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com