Maxay tahay sababta keentay inay dib u dhacdo Maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inay dib u dhacday maxkamadeynta Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhawr maalin ku jiro gacanta dowladda markii laga soo qabtay gurigiisa.

Sida uu Xaqiijiyey  Avv. Tahliil Xaaji oo ah qareenka u doodayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur maxkamadda ayaa dib loo dhigay ilaa berri 8:00 Subaxnimo waqtiga Muqdisho.

Xeer-ilaalinta ama dacawd oogayaasha C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa maanta laga sugayay in ay keenaan cadeymo la xariira waxybaaha lagu soo eedeeyay C/raxmaan C/Shakuur oo 17-kii Bishaan laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda  Gobolka Banaadir ayaa horey xeer ilaalinta ugu qabtay  mudo 24-saac inay ku keento caddeymo eedeymaha lagu soo oogay.

Wararka ayaa sheegaya in sababaha dib ugu dhacday ay tahay in warqadii amarka Maxkamadda ee lagu faray in muddo 24 saac lagu keeno caddeymo in loo geeyay Xeer Ilaalinta saaka 8-dii subaxnimo, sidaas darteed ay muddada waqtiga loo geeyay ay ka bilaabaneyso 24-ka saac, kuna egtahay maalinta berri 8-da subaxnimo.

Waxaa la sheegay in baaqashada la xaqiijiyeys saacado ka hor waqtigii loo ballansanaa inay maxkamadda furanto sida uu sheegay Avv. Tahliil oo ah ninka u doodayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Kulamo siyaasadeed ayaa saacadihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayay arrinta xarigga, sidoo kale waxaa la sheegay in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamul goboleedyada, sida Galmudug iyo Hirshabeelle ay ku booqdeen C/raxmaan C/shakuur Xabsiga.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa lasoo sheegayaa inuu diiday ololo ay wadeen madaxweynaha Galmudug iyo Siyaasiyiin kale oo ay ku doonayeen in siyaasigaan lagu soo daayo damiin.

Xaaladda xarigaan ayaa cirka isku shareertay, waxaana arrintaas kasoo horjeestay xubno ka tirsan dowladda oo facilkaas ku tilmaamay inuu yahay mid aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Sharcigada u yaalo Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com