Xog: Ciidamada GORGOR oo laga soo saarayo GEDO kadib amarka Xasan + Sababta

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu halkaas ka socdo qorshe lagu daad-gureynayo ciidamadii Gorgor ee ku sugan gobolka, kadib amar kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Soo celinta ciidamada ayaa aheyd arrin uu hore u dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh, balse aan markii hore u fulin caqabado ka horyimid, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in arrinta u weyn ee hortaagneyd soo celinta ciidamadaasi ay aheyd in gaadiidkooda dagaalka lasoo raro iyo inkale.

Madaxweyne Xasan ayaa la sheegaya inuu ciidamada ku sugan gobolka Gedo u doonayo inay ka howl-galaan gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab.

Deegaanada laga saaray kooxda ayaa waxa qaarkooda lasoo warinayo inay ka jirto ciidamo yaraan, waana sababta xiligaan keentay in ciidamada dib looga soo celiyo Gedo.

Ciidamadan ku sugan Gedo, siiba magaalooyinka xuduudka Kenya ayaa waxaa halkaasi geeyay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo gobolka aan weli xal loo helin khilaaf siyaasadeedkii uu saldhiga u ahaa Farmaajo ee kala dhaxeeya maamulka Jubbaland.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo xalay gobolka Galgaduud uu dagaal culus ka dhacay, kaasi oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka iyo Al-Shabaab.

Dagaalka oo ka dhacay duleedka magaalada Wabxo ee gobolkaasi ayaa yimid kadib markii ay ciidamada huwanta weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayey deegaanka Ceelgorof ee gobolkaasi.

Xubnaha kooxda Al-Shabaab ee la weeraray ayaa lagu soo warramayaa in xilligaasi ay qorsheynayeen inay weeraraan degaanka Goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan milariha Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xogta Al-Shabaab, kadibna ay u daba mareen inay ku weeraraan deegaanka Ceelgorof, taas oo dhabar jab u keentay kooxda weerarka ku qaadi laheyd aagga Maxaas.

Howl-galada ayaa lagu soo warramayaa in ay weli kasii socdaan xadka u dhexeeya labada gobol ee Hiiraan iyo Gagaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya, sidoo kalena kamid ah gobolada jabka xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, laga saarayna dhulkii ugu ballaarnaa.