Xog: Ciidamada heysta xarunta BF oo la xoojiyay iyo garabka mooshinka oo fariimo la gaarsiiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in aad loo xoojiyay amniga Xarunta Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia, kadib markii halkaa la geeyay ciidamo hor leh oo la sheegay inay ka feejigan yihiin qalqal amni.

Ciidamada la sheegay in la geeyay xarunta baarlamaanka ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in si buuxda ay ula wareegan dhammaan waddooyinka gala Xarunta baarlamaanka Somalia.

Ciidamadan ayaa waxaa lagu wargaliyay in maalinta bari oo Sabti ah xarunta baarlamaanka uu ka qabsoomi doono Codeynta Mooshinka Guddoomiye Jawaari, sidaa aawgeedna la doonaayo in la adkeeyo amniga.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ku adkeysanaya in Mooshinka uu weli yahay mid taagan, isla markaana ay codeyntu qabsoomi doonto maalinta beri ah.

Sidoo kale, Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaari ayaa qaarkood sheegay inay heleen fariimo lagu ogeysiinaayo in malainta beri oo sabti ku beegan  ay qabsoomi doonto codeynta Mooshinka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga cabsi qabaa in xiisad ay ka dhalato qabsoomida codeynta Mooshinka Jawaari, maadaama garabka Jawaari ay dhankooda ka iclaamiyeen in maalinta beri ay sii wadan doonaan shaqooyinkooda isla markaana ka doodi doonaan Ajendaha Beled-xaawo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com