Ciidamo badan oo lagu sii daadiyay Isgoysyada Muqdisho iyo Jawaari oo bari loo qaadayo codka kalsoonida

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow ciidamo farabadan lasoo tubay Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho kuwaa oo wata gaadiidka dagaal nooca loo yaqaan Cabdi-Bilaha.

Ciidamadan oo aad u feejigan ayaa xiray waddooyin dhowr ah, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin Isgoysyada Magaalada gudaheeda.

Isgooysyada lasoo tubay ciidamada ayaa waxaa kamid ah Isgoyska Tarabuunka, Isgoyska Digfeer, KPP, Bakaaraha, Hawlwadaag, Foloransa, Geed jaceyl iyo Aadan Cadde, Shaqaalaha, Lamber Afar iyo qeybo kamid ah Degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Ciidamadan lasii geeyay Isgooysyada iyo dhammaan waddooyinka muhiimka ah ayaa Gaadiidka rayidka iyo kuwa aan dowlada laheyn u diidaya isticmaalka waddooyinka.

Goobaha xiran waxaa qeyb ka ah wadooyinka jidcadyaasha ah oo qaarkood la dhigay ciidamo, halka qaarna lagu xiray dhagxaan waaweyn oo gaadiidka iyo Mootooyinka aanan u suuragelinayn inay ka soo gudbaan.

Sidoo kale, ciidamada ayaa dadka gaadiidka wata u sheegaya in amarka wadooyinka ay ku xireen uu yimid kadib markii ay amar soo siiyeen saraakiishooda.

Geesta kale, waxaa lagu wadaa in maalinta beri ah ay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia codka Kalsoonida u qaadan Guddoomiye Jawaari, sida uu cadeeyay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com