XOG: Ciidamo isku dayaya inay joojiyaan doorashada oo ku wajahan CEELWAAQ

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan gobolka Gedo ayaa qorsheynaya inay tagaan magaalada Ceelwaaq, oo la filayo inay ka dhacdo doorashada 16 kursi oo ka mid ah golaha shacabka, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online.

Ciidamadan ayaa sida la sheegay isku dayaya inay joojiyaan doorashada halkaas ka dhaceysa ee uu wado maamulka Jubaland, kadib markii laga soo wareejiyey Garbahaarey, balse ma cadda sida ay ugu guuelysan doonaan. 

Ceelwaaq ayaa ku taalla xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana la filayaa in amniga doorashada halkaas ay sugaan ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. 

Gobolka Gedo ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya ciidamo taabaacsan madaxweyne Farmaajo oo isugu jira xoogga dalka iyo NISA, gaar ahaan qeybta Duufaan, waana mid ka mid ah sababaha maamulka Jubaland u diiday inuu doroasho ku qabto Garbahaarey.

Doorashada gobolka Gedo ayaa muddo aheyd xudunta khilaafyadii keenay dib u dhacay sanadka ka badan ee doorashada Soomaaliya, ayada oo oo ay isku hayeen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo hadda u muuqda inuu loolankaas ku guuleystay haddii aanu dhicin isbeddel kale oo deg deg ah.

Dhinaca kale, waxaa hadda socda qorshe lagu qabanayo doorashada Garbahaarey sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed oo ku adkeystay in meel aan Garbahaarrey ahayn aysan doorasho ka dhici karin. 

“Aniga waxaan rabaa ninka ragga ah ee Ceelwaaq doorasho ku qabanaya. Annagu sharci baan qabbaan u nahay, sharciga haddii lagu xad gudbay cid aan qabban u nahay ma jirto, doorashadeennana waan qabsaneynaa, iyadoo xor iyo xalaal ah ayaan qabsaneynaa, cid aan magacn uga nahayna ma laha,” ayuu yiri Buulle Gareed.