RUUSHKA oo dalkiisa ka mamnuucay Boris Johnson digniintii ugu adkaydna u diray dalalka Galbeedka

Moskow (Caasimada Online) – Ruushka ayaa dalkiisa ka mamnuucay Ra’iisul Wasaare Boris Johnson iyo wasiirro kale inay soo galaan Moscow, sababo la xiriira mowqifka UK ee dagaalka Ukraine.

Xoghayaha Arimaha Dibada Liz Truss, Xoghayaha Difaaca Ben Wallace iyo 10 kale oo siyaasiyiin sare ah – oo u badan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada – ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay galaan dalka Ruushka.

Moscow ayaa sheegtay in go’aankan uu ahaa mid looga aargoosanayay cunaqabateynta UK ay saartay tan iyo markii ay gudaha u gashay Ukraine. Bishii Maarso, Moscow waxay sidoo kale dalkeeda ka mamnuucday madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Dhanka kale, Ruushka ayaa si rasmi ah ugu digay Maraykanka iyo xulafadiisa hubka ku taageera Ukraine.

Qoraal diblomaasiyadeed oo ay Moscow u dirtay Washington, oo nuqul kamid ah ay darseen warbaahinta Maraykanka ayaa lagu sheegay in hubka lagu taageero Ukraine ay ka dhalan karto “cawaaqib aan la saadaalin karin”.

“Hubka ay Maraykanka iyo xulafadiisa NATO siinayaan Ukraine waxa uu sii hurinayaa dagaalka, waxaana ka dhalan karta cawaaqib aan la saadaalin karin,” ayaa lagu sheegay warqadda labada bog ah ee uu Ruushka diray.

Qoraalka oo la diray Talaadadii ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxeen warar sheegaya in Maraykanka uu taakulo milateri oo dhan 800 oo milyan oo dollar uu u dirayo Ukraine. Waxaa hubkaas kamid ah madaafiicda goobaha fog duqeeya, si xukuumadda Kyiv ay ugu babac dhigto awoodda milateri ee Ruushka.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa sheegay in digniinta Ruushka loo fasiran karo in kaalmada milateri ee la siiyay Ukraine ay wax badan ka tartay furimaha dagaalka.

Kaalmada milateri ee Maraykanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay gaarto Ukraine, xilli ciidamada Ruushka ay isku urursanayaan bariga dalkaas si ay duullaan ballaaran ugu qaadaan gobolka Donbas todobaadyada soo socda.